Sannad-guurada 19aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka oo Maanta lagu Qabtay Xarunta Taliska Guud

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa maanta u dabbaal-degay sanad-guuradoodii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, waxaana munaasibad lagu xusay maalintan lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Qaranka

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (10)Munaasibadda oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Dawladda, waxa ugu horeyn masrixiyad madadaallo ah soo bandhigay Kooxda Fanaaniinta ciidanka qaranka Gaashaan, waxaanay madaxweynaha madasha ku sugneyd u soo bandhigeen riwaayad ka hadlaysay muhiimada Ciidanka Qaranku u leeyahay Dhismaha Dalka.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (2)Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamuud Shaqalle oo halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha ciidanka Qaranku soo maray, isaga oo ku dheeraaday dedaalkii loo galay xoojinta iyo tayeynta dhismaha iyo Aqoonta Ciidanka Qaranka iyo waxyaabihii u qabsoomay sannadkii hore.

Xuska Ciidamada_DerejooyinkaWasiirka Gaashaandhiga ayaa isna halkaasi ka hadlay isaga oo ku dheeraaday muhiimadda xuska sannad-guurada ciidanka Qaranka iyo dedaalkii loo galay in ciidanka la siiyo derejooyinka.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (11)Madaxweyne Siilanayo oo munaasibaddas soo xidhay, ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inay xukuumaddiisu ciidamada kala duwan ku guddoonsiiso derejada. “Waxa faan inoo ah Qaran ahaan iyo ummad ahaan inaan halkan u joogno sanag guuradii 19-aad ee aasaaska ciidanka qaranka, kuwaasi oo ah kuwa aynu ku faano dalkeena iyo nabad-gelyada dalkeena ilaaliya ee magaciisa iyo karaamadiisa dhawra,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Somalilandpost/Hargeysa