Sanadkii Sariibadaha – W/Q: Ceelaabe

Waa dhab in marka Sariibad la soo hadalo qaado aad Dumar xasuusaneyso,Kuwa wax ku iibinaya ama ku sii socda intaba.Dhaqankeena Ayaa ceeb u arka in Waxyaabaha qaarkood Raga lagu Arko ama ay Qabtaan,Hase ahaate iyada oo arimahaasi ay Jiraan haddana dadka Sariibada Fadhiista ama wax ku iibiya waxa ka mid ah Rag Haya Khudaar kala duwan oo u badan Waxa Dheri Cunto lagu Rito.Wadamada Qurbaha ah Ayaa ragu ay u Safraan Sariibadaha Cuntada,Isla markaasina ayba Karsadaan ama kariyaan Cuntooyinka.Markaad wadanka Joogto wey adag tahay sida aad ku tagto Sariibad ama kaga soo Adeegato adiga oo nin ah,Laakiin waxa suurta gal ah in aad maalin kasta Dhinac marto ama hor marto Meel alaabo kala duwan lagu iibinaayo.Sariibada waad soo hor martaa,laakiin kuma Leexatid,Ma tihid wakhtigan Ciyaal ama berigii aad Dumarka u raaci Jirtey goobaha Alaabta laga soo iibsado,Berigii aad dabo socon Jirtey inta Kolba meel wax laga baayacaayo ama iibinaayo.Wakhti badan Ayaa dumaro badan kaga Dhaca sariibadaha dhexdooda la xidhiidha Sheeko iyo wax baayicid ama Raadin Khudaarta wanaagsan.Buuqa iyo Saxmada sariibada ka Jirta Ayaa ah mid aan dhaafin Gelinka hore saacado ka mid ah.

Suuqii ama Sariibad aad tagi Jirtey adiga oo yar ama Alaab lagaga Direy,Markaad hor marto adiga oo Weyn.Berigaad Bacda ama salada mararka qaar la soo qaadi Jirtey hadday Jirtey ama aad Jecleyd in aad dadka suuqa u Raacdo Ayaad in badan xasuusaneysaa.Maaha cid kale dadka sariibadaha Fadhiyaa waa Hooyada,Walaasha,iyo Xaaska rag badan oo ka mid ah kuwa Magaalada,Maaha dad kale kuwa Sariibadaha Camirey waa Walaasheen,Hooyadeen ama Afadeen oo ku Maqan soo iibinta Khudaartii iyo Cuntadii Saddexda wakhti la Cuni lahaa.Kuwa Taabanaya,Urinaya,Qaadanaya,Dhadhaminaya,Miisanayaa waa Dumarkeenii,Kuwa Nabarada ka baadhaya Khudaarta iyo Veg waa iyaga,Kuwa Qaaraca iyo Biseylka kala garanayaa waa Iyaga,kuwa Garanaya Qiimaha Maceeshada Suuqu waa iyaga.Kuwa u Kalahaya Raadinta ama helida Khudaarta Dareyga ah ama cusubi waa Iyaga si wax Macaan ay u Kariyaan.Kuwa Ka fekiraya Maxaad maanta Karisaa waa Iyaga.Kuwa garanaya Khudaarta Jaban Halka laga Helayaa waa iyaga.Kuwa bacaha iyo Saladaha wada Sitaa waa Dumarkeena,Waana marka aad arkeyso Kaalinta ay Nolosha Haweenku ku leeyihiin.

Todobaad Dhaweyd oo aan Subaxdii hore u Kalahey Dan aan lahaa, Ayaan Arkaayey Dumar Salaadii subax ka dib Wadooyinka wada taagan ama Socda,Isheydu waxa ay Qabaneysey Dumar badan oo kalahaaya,Markii danbe Ayaan weydiiyey Qof oo aan ku idhi Ma suuqa Ayaad fureysaan oo aad Fadhiisataan Mise waad ka soo Adeegeysaan.Dumarkaasi kalahaaya iyo Aabaha Dhismaha ku kalahaaya una Shaqeynaaya Ubadka dugsiyada ku Jira Ayaa garanaya Qiimaha nabadu ay leedahay.

90% Dumar Ayaa sariibadaha Fadhiista ama Suuqyada Khudaarta Jooga,Waa halka ay ka soo baxaan Dumar badan oo ganacsato ah,Waa halka dumar badani ay ka Noqdaan Maalqabeen lacag leh oo soo Dejisa Khudaarta ama cuntooyinka la cuno iwm.Inta badan Kuwa suuqaasi ku soo biiraya ama Fadhiisanayaa waa Haween,Kuwa dhulka aaminey ee Fadhiya,Kuwa Saladhka,Tamaandhda,Basasha,Basbaaska  iyo Hilibka la Fadhiya Ayey Noqdeen.Kuwa Dhulka ku miisaya ama ku xidhxidhaya ayey Noqdeen.Mid kastaaba waxa ay Heysaa Khudaar iyo cunto aaney Mida kale heynin,waa sii mar oo sii wada Mar ilaa Gabadha Muuska.Hilibkii Ayaa buuxa oo Dumar 15kii sano ee ugu Danbeeyey ay u siteen Midiyo waaweyn,Waana halka keliya ee Raga ay weli isku Heystaan.Dhaqankeena  Ayaa ah in Subax kasta suuqa loo safro oo laga Doonto Khudaarta dheriga cuntada lagu daro,Weli dad yar Ayaa fahmey in bishii ama Todobaadkii hal mar la safro,Dad yar oo kooban Ayaana leh Talaagado ay ku Ritaan Khudaarta ama cuntooyinka sida Aduunka ama qurbaha ka Jirta.

Khudaarta ugu badan Ayaa ah mid ka timaada Itoobiya ama Somalia meelo ka mid ah,Wey yar tahay waxa wadankeena ka baxa isla markaasina lagu dhex Cunaa,in badan oo ka mid ah Waxyaabaha wadanka laga isticmaalo ama laga cunana waxa laga keena ama laga soo waaridaa Qurbaha iyo dibadaha oo bada ayey ka soo talabaan.Waxsoosaarka wadanka ayaana weli u baahan in la dhiirigeliyo lana Tayeeyo.Inta badan dadkeenu Dhulka ayey Fadhiistaan,Waxaaney sariibado ka dhigteen meelo cidhiidhi ah ama aan ku Munaasib aheyn iyo Wadooyinka Dhinacyadooda.Sariibado badan Ayaa ku yaala goob aan ku habooneyn oo yar ama xaga bilicda iyo Nadaafada aan ku wanaagsaneyn,Habka wax loo iibinaayo Ayaa meelo badan ah mid aan Nadaafad daro ka fogeyn,Mar haddii wixii dhulkii wada Yaalo ama ay saaran yihiin miisas aan nadiif aheyn ama la Meydhin.Nidaam daro iyo Foolxumo badan oo ka Jirta habka dadkeenu Khudaarta u iibiyo Ayaana aad iska weydiin kartaa su,aalo la xidhiidha arimaha Caafimaadka.Meelo badan Dukhsiga,iyo Bisadaha Ayaaba degan.

Khudaar in badan taaley ama Hilib soo Hadhey Ayaa la iibin karaa,Sida Jaad baarixi ahba loo iibiyo,Waxaana Aduunka caan ka ah in Khudaarta marka la beeraayo la buufiyo si cayayaanka looga dilo,Arintaasi oo sababta in marka danbe la baadho lana Nadiifiyo Cuntooyinka ama la talaalo si aan Sunta cayayaanka disha ee lagu buufiyey dadka waxba u Yeelin.Khudaarta ama cuntooyinka la cuno in la iska Meydho Ayaa markaa munaasib ah,inkasta oo dab kulul ay wax badani Marayaan.

Maxeynu cuntada u cunaa? Cuntada waxa aynu u cunaa si Awood iyo tamar aynu ku shaqeyno aynu uga helno,maskax ahaan iyo Jidh ahaanba. iyo si Jidhkeenu u helo awood uu iskaga difaaco cudurada,Hadaba haddii waxaad cuneysaa uu noqdo mid sun leh ama Waxyeelo u geysta Jidhkaaga maxaa kula Gudboon.

Todobaadyadii ugu danbeeyey waxa aynu Maqleyney iyada oo Meelo kala duwan oo ka tirsan Gobolada somaliland laga hirgeliyey Sariibado sida Boorama,Waxa kale oo aan Maqalney kuwo Dhismahahoodu socdo oo la dardar geliyey,Ma yara inta sariibadood ee Jirta marka laga hadlaayo sariibado,kuwa cusub ee la dhisey,Kuwa la dayactirey iwm.Sariibaduhu waxa ay Keenayaan suuqyo nidaamsan oo Wax  lagu iibiyo,waxa ay ka qeyb qaadanayaan Habeynta iyo bilicda magaalada,Waxa ay Dhiirigelinayaan nadaafada iyo sixada caafimaad oo dadkan meelkasta banaanada wax la fadhiya ayaa Maqsino ku xaroonaya ama hadh la fadhiisinayaa.

Sariibadaha Dawladaha hoose Hirgeliyeen iyo Kuwa Haayadaha caalamiga ahi ku Deeqaan intaba weynu ku aragney Wararkeena,Maanta halka magaalooyinku marayaan ama tirada dadka ee ku nool ayaa qasab ka dhigeysa in la helo suuqyo waweyn ama sariibado ganacsi sida kuwa cuntooyinka  iyo khudaarta oo laga soo Dukaameysto.Xaafad walbaana in ay yeelato sariibad u dhow ama u gaar ah ayaa u wanaagsan si ay uga maaranto mida fog oo ay Timaado.Sariibadu waxa ay keeneysaa in laga helo wax kasta,laguna helo Qiimo jaban marka la hor dhigo Booshariyada wakhtigan dadku Barteen.

ugu Danbeyntiina waxaan ku soo Koobayaa saddexdan Su,aalood oo kala ah,in Dadka qaarkood ay ka Fekirayaan Kirada lagu Kireynaayo meelo sariibado ah oo dad ganacsato ahi si gaar ah u dhisteen,Mida labaad oo ah in marar badan inta dadka loo balan qaado dhismaha sariibado ama suuqyo lagaga baxo wakhti badana la hadal hayo,Mida saddexaadna waxa weeyaan,Dhibaato dadkeena heysata oo ah in aan qofna rabin in uu ku xaroodo sariibad oo dadkii ayaa banaanada iyo Wadooyinka dhinacyadooda aaminsan kuwaasi oo raba in ay halkaasi ku ganacsadaan.Haddii ganacsatadu ay sariibada tagto,Kuwa iibsanayaa wey ku qasban yihiin in ay Halkaasi ugu tagaan.Suuqa Khudaarta ugu weyn Hargeisa ayaa ah Midka xusbiga oo ay Timaado khudaar iyo wax badan oo beeraha ka soo go,ay.

Abdifataah Mahamed Ahmed

 (ceelaabe_10@hotmail.com)