SANAAG:Mudaharaad Rabshado Wata oo Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo(SLpost) – Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaa ka dhacay mudaharaad rabshado wata oo ay dhigayaan qaar ka mid ah bulshada degaanka Ceerigaabo. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya dhimashada hal qof iyo dhaawaca dhawr ruux.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay cabashada dadweynaha mudaharaadaya balse xogaha hor dhaca ayaa sheegaya in nin lagu tuhunsan yahay inuu masuul ka ahaa hub todobaadadii la soo dhaafay gobolka la soo galiyay ciidanku isku dayay inay soo qabteen, balse dadweynuhu arrintaasi ka gadoodeen.

 

Ninka lagu tuhunsan yahay arrintan oo booliska ka tirsan ayaa saxaafadda u sheegay in si sharci darro ah loo soo weeraray, islamarkaana uu is difaacay, dadweynaha mudaharaadayaana ka gadoodeen ninkaasi la isku dayay in la soo qabto.

 

 

 

Warka oo Faahfaahsan goordhaw ka Fillo Somalilandpost.net