Sanaag: Waxgarad iyo Ganacsato Cabasho ka muujiyey Hay’adda WFP

wfpCeerigaabo (SLpost)- Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsato ka soo jeeda Koonfurta iyo Bariga Gobolka Sanaag, ayaa cabasho ka muujiyey hay’adda qaabilsan Barnaamijka Cuntada Adduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo ay eedeeyeen kala-faquuq iyo inay gaar ah siiso qandaraasyada ay hay’addu bixiso.

 

Wax-garadka iyo Ganacsatada oo maanta kulan isugu ku qabsaday Hotel Quddus ee magaalada Ceerigaabo, waxa dhaliileen nidaamka hay’addu u bixiso qandaraasyada raashinka mucaawimooyinka ah, isagoo sheegay in hay’addu takoor ku samaysay ganacsatada ka soo jeeda deegaankooda.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE