Sanaag, mar soo arag! – W/Q: Saddaam Carab

Saddaam CarabInta qofku noolyahay waxa jira waxyaalo saamayn ku yeesha noloshiisa. Qadhaadh iyo macaan ba waa ay leh yihiin. Dhammaantood casharro iyo waayo -aragnimo ayaa laga korodhsadaa. In aad dad waayo arag ah la kulantaa way ku saamaysaa, in aad dhul iyo deegaan cusub  tagtaa, waa aqoon kuu soo korodhay. Waayaha nololeed iyo sawirada  kala duwan ee indhahaagu qabanayaanna  waa kuwo raad kaga taga maankaaga.  Sidoo kale in aad saaxiibbo cusub yeelataa waxay leedahay samaynteeda, in aad socdaasho lafteeduna waxay kugu yeelataa samayn!

 Safarku haa, qofka saamayn badan oo tognaan iyo tabnaan ba leh ayuu ku yeeshaa. Haddaba, qoraalkan waxa igu dhaliyay safar aan dhawaan ku tagay magaalada Ceerigaabo, ahaana mid aad u xiiso badnaa, kana mid ahaa casharada sida joogtada ah aan u korodhsado ee  dal iyo dad barashoba leh. Hadal badani haamo ma buuxshee, aan sawir kooban idinka tuso socdaalkaygii Ceerigaabo iyo maalmihii xiisahabadnaa!

Waa badhtamahii bisha  Sebtember ee sannadka 2013. Xiiso badan ayey ii lahayd in aan u diyaar garoobayey Safar shaqo. Safarkii u horreeyay noloshayda ee aan ku tago gobolka Sanaag. Sanaag, Daalo iyo Surad, Tabca iyo meelo cajiib ah ayey caan ku tahay. Dalxiiska waa meel loo majeerto. Waxa aan u hayey xiiso badan oo laabta i xara dhaamiyey. Haa, adba haddii aanad arag waad jeceshay mar uun in aad tagto, dabadeed buuraha dalxiiska dushooda tax-taxaashto, saw ma aha?

Hargeysa oo aan ka socdaalay iyo Ceerigaabo waxa ay isku jiraan ilaa 700KM. Masaafo yar ma aha, kala badh waa dhul adag oo aan jid hagaagsan lahayn, buuro iyo ah ban cidlo ah! Siddeed saacadood oo aannu safar Burco ka bilawday ku jirnay, ka dib waxa aannu gaadhnay Ceerigaabo oo meel god ah dhulka kaga jirta!

Intii aananu gaadhin Ceerigaaabo,  banka Saraareed ee dhererka ku faana oo badi barwaaqo ah ayaannu soo jeexnay. Xoolo adhi iyo geel ba leh ayaa meelaha qaar dhex mushaaxayay. Deegaan barwaaqo ah weeyaane, daaqa iyo dareemadu waxa ay ahaayeen  kuwo is qabsaday.

 Magaalada, cimilada u horreysa ee aad galaysaa waa mid qabow ah. Dhulka cagaarka ah (Gaar ahaan bishan 9aad), jawiga haadiga ah iyo deegaanka qurxoon ayaan aad u la dhacay. Go’ iyo Koodh iyo wax dhaxanta laga gashado ayaa lagu wada shaqlanyahay, siiba casarka ilaa cawayska dambe. Laakiin intaas oo dhan waxa dareenkaygu kaga mashquulay duqayda tirada badan ee ku nool! Ceerigaabo waxa aan ku arkay in ka badan magaalooyinka inta odayaal tiradaas iyo da’daas le’eeg aan ku arkay. Alle ha u naxariistee Xaaji Aadan Axmed(Af-Qallooc) oo boqolka wax badan dhaafay baan markiiba soo xasuustay. Illeen isba reer Ceerigaabo ayuu ahaa!.  Maxay  Ceerigaabo kaga gaddisantahay meelaha kale ayaan iswaydiiyey? Tolow ma dadka ku nool ayaa dadka ka cimri dheer mise waa si kale?! Dad baa ii sheegay in dhulka qaboobaha ahi sabab u yahay cimri dhererka, dad kale ayaa iyaguna  sababo kale ii sheegay. Si kastaba ha noqotee Ceerigaabo waa magaaladii duqayda!  Magaaladu halkaas ha innoo joogto’e, dibadda iyo dhulka dalxiiska meel ka mid ah ayaan iyana gaadhay. Waxa aan ku soo arkay  jannooyinka adduunka wax ka mid ah oo cajab badan.

********

Waxa aan tagay gubanka Carareed oo buurta Daalo ay kor kaaga beegantahay, xeelliga Maydh na koonfur kaaga bidhaamayo. Waxa la sii maraa dawga tabca iyo buuro tiro badan oo ka sokeeya. Ilaahay abuurtiisu waa ay noocyo badan tahay! Buuro dherer iyo baaxad ku awood sheegta oo aad mooddo dayr wayn oo dhulka ku qotoma oo cirka ku dhammaada ayey aragtida ishaadu ku libdhaysaa. Markaad kor u jalleecdo ayaad marar moodaysaa in buurtu kugu soo dhacayso, laakiin awood qarsoon ayaa halkeeda ku haysay. Tiradu ma ahayn mid ama laba waa arlo dhan oo Ilaahay ku teediyey buurahaas daruuraha gaadhaya ee ceeryaantu ku shaqlantahay had iyo goor. Ma ahayn buuruhu omos iyo dhagax iyo qarfo. Ciidda iyo qururuxa ay ka unkanyihiin in aad aragtaa waa dhif iyo naadir. Dhirta cagaarka ah ee boqolka jaad ah ee ku gadaaman ayaa wax walba kaa qarinaysa. Eegmadaadu marna kama xiiso goynayso daawasha awoodaha Ilaahay ee noocyada badan. Buuraha hirarka ah haddii ay muddo ishaadu ku negaato waxa aad ka dhex arkaysaa sawirro kale iyo muuqaallo aan marka hore kuu muuqan. Waad ku raaxaysanaysaa daawashadooda, kamana xiiso goynaysid. Wax yaab leh oo aan ku soo arkay Sanaag ayey ka mid ahayd.

Dhulka huwan doogga iyo daaqa waxa ka sii qurux badnaa dhirta boqolka jaad ah ee buuraha iyo bannaannada xidhiidhsan. Waa dhir udug, dhir cagaar iyo dhir quruxeed. Haddii urtu in uun dabiib ka noqon lahayd xanuun jira ama jiri doona, dhirtaas uduggeeda ayaa dawo iyo dabiib looga dhigi lahaa. Marka ay sankaaga xusho neecawda urta ku rarran ee dhirta soo dhex jibaaxday ayaa ay ilaa maskaxda ku dhex qaadaysaa. Mararka qaar maskaxdaadu waxa ay u ekaanaysaa wax cusub oo hadda dhashay oo wax walba oo lagu kaydiyo u madhan. Waxa ay ahayd meel yaab leh! Sidaa si le’eg ayaa daawashada ubaxa iyo manka dhirtaasi u dawayn karaa indho basaasay iyo kuwo busaaradsaday labadaba.

Maalinta oo idil, cirka daruuro is hirdiyaya iyo hogolo is habaynaya oo in ay hooraan diyaar u ah ayaa sidaa iyo  sidaa u dul damaashaadayey. Daruuruhu waxa ay u ekaayeen kuwo nidar ku maray in ay buuraha iyo dhirta iska dhex baxay guntooda iyo guudkooda biyo ku shubaan. Maalintii laba ama ka badan oo goor way hooraan sii ba waqtigan aan tagay. Waxa se xaqiiqdu tahay, intaas oo dhami in aanay ahayn dabeecad meel dhulka ka mid ah lagu arko oo inta la daawo la iska dhaafo uun, se ay tahay aayado Rabbi oo rumayntiisa kuu xoojinaya. Waxa ay idilkood ahaayeen wax cibro iyo cashar leh oo aan ku soo arkay Sanaag.

Waxa hubaal ah inta aan soo arkay in aan qalin iyo af midna lagaga sheekayn karin, waxa sidoo kale la hubaal in intaas iyo in ka badan oo aanan aragi ay jiraan. Casharro caqiiqadada qofka kor u qaadaya ayaa laga soo korodhsanayaa safarkaas iyo kuwa u dhigma, casharro maskaxda kuu dajinaya oo aad ka mabsuudayso ayaad ka soo baranaysaa, casharro ku ogaysiinaya hodantinimida arladeenna ayaad arkaysaaa oo aad soo baranaysaa. Safarkan iyo kuwa la  mid ka ahi ba waxay ay ku geynayaan duni hore kaaga qarsoonayd oo qiimo iyo qaayo leh. Haddaba waxa aan kugula talin lahaa haddii aanad hore u tagin Sanaag, in aad mar soo booqato. Haddii aad hore u aragtay, in aad mar iyo marar kale ku noqotaa waa aqoon iyo dalxiis iyo duni naftaadu u baahan tahay. Dhulka yaab ka leh ee Sanaag, mar soo arag!

Qalinkii: Saddaam Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeysa, Somaliland