SANAAG: Khasaaraha ka dhashay Dagaal-beeleed mar kale soo cusboonaaday iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Hargeysa (SLpost)- Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay, ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceeryaanta oo ku yaalla Koonfur-Galbeedka Gobolka Sanaag.

Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood oo kuwada dhaqan deegaankaas, ayaa sababay dhimashada Saddex qof halka dhowr qof oo kalena ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Tiimbaro.

Dagaalkan oo sida la sheegay aan wax xidhiidh la lahayn colaad hore uga dhacday deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolkaas oo xilligan ergooyin isugu jira culimo, madax-dhaqameed iyo inta badan hal-doorka dalku u fadhiyaan heshiisiinta laba beelood oo hore ugu diriray deegaankaas.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Faahfaahinta warkan