SANAAG: Ciidanka Qaranka oo ku Daba Jira Hub Sharci Darro ah Iyo Cidda ku Lug leh

Hargaysa(SLpost)Dooni siday saanad milatari oo iskugu jirtay hub iyo rasaas ayaa ka soo degtay magaalo xeebeeda maydh ee gobolka sanaag, hubkan oo la sheegay inuu leeyahay nin ka soo jeeda beesha degta deegaankaasi ayay xalay abaara 2:00am habeenimo ku soo xidhatay dekeda maydh.

Wararka Hordhac ah ee ka soo baxaya deegaankaasi ayaa intaas ku daraya in ay Ciidanka   qaranka somaliland Gaadheen Goobtas,kuwaas oo ku baxay dhinaca xeebta halkaas oo uu dagaal ku dhex marayo dablay beeleed ka soo jeeda waqooyiga bari sanaag, oo la safan ninka hubkan leh, ciidamada ayaa dablaydan ka baacsaday deegaanka awr gaab waxaana ay hada ku daba jiraan dablaydan hubaysan iyo ninkii hubka sitay oo u cararay dhinaca beeralayda hared halkaas oo ciidamadu raadkoodii ku daba joogaa.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland la wareegeen doontii loo tuhunsanaa hubka oo maydh taagan iyo amaanka guud ee deegaanka waxayse baadi doon ugu jiraan sidii ay u soo qabqaban lahaayeen dablaydan  ninka wata iyo hubkii halka la geeyayba.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag Casayr oo isagu hor kacayay ciidamada dawladda ee goobta jooga ayaa la sheegay  in isaga iyo ciidankiisii baadhitaano ka wadaan deegaanka Hareed oo looga shakisanyahay in hubka lagu qariyay, waxayna ciidamadu heleen gaadhigii xalay hubka maydh ka soo saaray oo saaka liin laga soo buuxiyay, hubka ayaa ay ilo xogogaal ahi  sheegeen in beesha waqooyiga Ceerigaabo ay yaman ka soo iibsatay.

Hubkan ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa hub dhawaan ay wareejiyeen ciidamo ka tirsan jabhadaha islaamiga ah ee xuutiyiinta dagaalka kula jira, waxaana magaalada Sanca ka soo iibiyay nin kale oo ay ilmaadeer yihiin ka gadhigiisa xalay lagu arkay, wixii warara ee  iska hor imaadyadaas ku soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.

Source: Waaheen