SANAAG: Astaamaha Cudurka Shuban-biyoodka oo lagu arkay, Qaylo-dhaanta Masuuliyiinta Gobolka iyo dedaallada Xakamaynta Xanuunka

SANAAG: Astaamaha Cudurka Shuban-biyoodka oo lagu arkay, Qaylo-dhaanta Masuuliyiinta Gobolka iyo dedaallada Xakamaynta XanuunkaCeerigaabo (SLpost)- Qaybo ka mid ah deegaannada Gobolka Sanaag, ayaa lagu arkay astaamaha cudurka Shuban-biyoodka, kaddib markii, sida ay masuuliyiinta gobolku sheegeen, bukaanno uu xannuunkani haleelay lagu arkay qaybo ka mid ah degaanka Qoob-cadde.

Shir ay maanta isugu yimaaddeen masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, saraakiisha hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawl-gala Sanaag, ayaa lagu shaaciyey dedaallo lagaga hortagayo isla markaana lagu xakamaynayo in cudurka ku fido deegaammada kale ee gobolka.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

Cudurka Shuban-biyoodka, ayaa faro-baas ku haya gobollada Bari ee dalka, gaar ahaan gobolka Togdheer oo saamayntiisu ugu badan tahay isla markaana tiradii ugu badnayn ugu geeriyoodeen maalmihii u dambeeyey.