Sanaag: Alaabooyin aan noocooda hore loo arkin oo ka soo caariday xeebaha & Dadweyne guranaya

Hargeysa, (SLpost)- Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in degaanada xeebaha Shalcaw lagu arkayay beryahanba alaabooyin la garan-waayay oo loo malaynayo inay dhanka badda ka soo caarideen.

Warku wuxuu sheegay in alaabooyinkan muddooyinkii ugu dambeeyayba ay guranayeen qaar ka mid ah dadweynaha degaankaas ku nool. Waxana alaabooyinkaas oo shaki badan laga muujiyay la sheegay inay ku xidh-xidhan yihiin baco yar-yar oo midkiiba ay ku qasacadaysan tahay, isla markaana ay dusha kaga qoran yihiin 1 KG.

Inkasta oo aanay jirin war rasmi ahaan u kala xaqiijinaya waxa ay tahay alaabooyinkan la sheegay inay badda ka soo caarideen, hadana sida uu ku soo warramay mid ka mid ah weriyeyaasha Gobolka Sanaag, dadka xoolo-dhaqatada ah ayaa qaarkood ay ka gurteen dhulka gubanka ah ee eegaya xeebaha Shalcaw. Warku wuxuu intaa ku daray inay dadka alaabooyinkan aan la garanayn qaatay ay u qaateen Millix ahaan, balse loo malaynayo inay tahay wax u eg Maandooriyaha.

Warku wuxuu intaa ku daray in ka dib markii ay dadka reer miyiga ah qaarkood qaateen alaabaddaas ee ay ka shakiyeen nooca alaabooyinkaas ay ku dayeen inay siiyaan xoolaha iyo duur-joogta kale, kuwaasoo qaarkood firfircooni ka qaadeen.

Sida uu ku soo waramay weriye Teerre ka dib markii loo dhiibay alaabooyinkaas dad kalluumaysato ah oo ka yimaada dhinaca dalka Yaman, waxay sheegeen in alaabooyinkan aan la garanayni yihiin Xashiihad, inkasta oo aanay kalluumaysataddaasi ku soo noqon degaankaas.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net