SANAAG: Ajaanibka Sharci-darrada ku jooga Somaliland oo Cabasho ka muujiyey Muddada loo qabtay inay dalka kaga baxaan

Ceerigaabo (SLpost)- Dadka Ajaanibka ah ee ku dhaqan magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, gaar ahaan Soomaalida u dhalatay dalka Soomaaliya, ayaa cabasho ka muujiyey muddo ay xukuumadda Somaliland u qabatay inay dalka kaga baxaan Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga dalka.

ajaanibDadka Ajaanibka ah oo ay ku jiraan Ganacsato meherado ku haysta magaalada Ceerigaabo, ayaa maanta isugu soo baxay Xarunta Maamulka Gobolka ee magaalada Ceerigaabo, waxaanay cabashadooda ku sheegeen inaanay ku filnayn muddo Afartan Maalmood ah oo xukuumadda Somaliland u qabatay inay Dadka Ajaanibka ah ee sharci-darrada ku joogaa ka baxaan dalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN.