San Francisco: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal-iinsaanka Geeska Afrika oo Caawa Guddoomay Abaal-marin Caalami ah

Afhayeenka Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo Noqday Qofkii ugu horreeyey Qaaradda Afrika ee Abaalmarintan la guddoonsiiyo

San Francisco (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika (Hornwatch) ahna Afhayeenka ururrada Xuquuqal-Aadamaha Somaliland, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa caawa lagu guddoonsiiyey magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka Abaal-marinta Caalamiga ah ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award oo sannad kasta la guddoonsiiyo shakhsiyaadka iyo Ururrada juhdiga galiya u dagaalanka Xuquuqda bani’aadamka iyo Cadaaladda.

suleiman-ismail-bulalehMunaasibadda loo qabtay guddoonsiinta Abaalmarinaha oo noqonaysa tii 17aad oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cadaaladda iyo Ku-ilaalinteeda (CJA) oo fadhigeedu yahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, waxa sannadkan nasiib u helay guddoomista abaalmarinaha Qaalliga ah hay’ad u dhaq-dhaqaaqda Xuquuqda Aadamaha iyo Saddex qof uu ku jiro Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo 20-kii sanno ee u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha xuquuqda Aadamaha iyo dadka laga tirada badan yahay ee Somaliland iyo Geeska Afrikaba.

Munaasibadda loo qabtay Abaalmarinaha ay bixinayso Xarunta CJA, waxa ka qayb-galay boqolaal qof oo isaga kala tagay Dunida dacalladeeda, kuwaas oo isugu jira daneeyayaasha Cadaaladda iyo ilaalinta Xuquuqal-Iinsaanka.

Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday HRW
Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday HRW

Saleebaan Ismaaciil Bullaale ayaa noqonaya Qofka kaliya ee qaaradda Afrika u dhashay ee la guddoonsiiyo  abaalmarinta Judith Lee Stronach oo loogu magac-daray haweenay u dhaq-dhaqaaqi jiray xuquuqda Aadamaha isla markaana ahayd aasaasihii Xarunta CJA, taas oo geeriyootay sannadkii 2002-dii.

Bixinta Abaalmarintan oo la bilaabay sannadkii 2007-dii waxa hore ugu guulaystay todoba isugu jira shakhsiyaad iyo Ururro u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Aadamaha iyo Cadaaladda, kuwaas oo u kala dhashay waddamada Maraykanka, Haiti, Guatamela iyo Peru.

Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday AMESTY International
Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday AMESTY International

Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa ah shakhsiyaadka faro-ku-tiriska ah ee labaatankii sanno u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha ilaalinta xuquuqda bani’aadamka iyo dadka laga tirada badan yahay, isaga oo sidoo kale si toos ah uga hadli jiray musuq-maasuqa iyo wax-is-dabamarinta ka jira hay’adaha dowladda iyo kuwa gar-gaarka.

Xarunta CJA, ayaa ujeedaddii loo abuuray ahayd in sharciga la horgeeyo shakhsiyaadka iyo ururrada lagu helo dambi ka dhan  ah ku-tumashada Xuquuqda Bani’aadamka, waxaana aasaasay  Haweenay la odhan jiray Judith Lee Stronach oo sannad kasta magaceeda lagu bixiyo abaalmarinta shakhsiga ugu mudan ee wakhtigiisa siiyey u-doodista Xuquuqda bani’aadamka.

YAA HORE UGU GUULAYSTAY ABAALMARINTAN? GUJI HALKAN

DADKA LA GUDDOONSIINAYO ABAALMARINTA SANNADKAN EE CJA, GUJI HALKAN

SOMALILANDPOST.NET