Samo-talis Xaaji Cabdi Waraabe: Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland – Qalinkii Khadar Ali Hussein [Shiine].

xaaji cabdiAkhriste, Qormaddan waxaan kaga hadlaynaa Samo-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf [Cabdi-waraabe] oo ah oday dhaqameedka ugu da’da weyn guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Same-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen waxa uu Somaliland ugu jiraa meelaha ay ugu jiraan dalalkooda raga ay ka mid yihiin Aayatulaa Cali Khumayni oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan oo isagu iska leh go’aanka ugu dambeeya ee dalkiisa laga fulinayo. Nesal Mandella oo marka laga yimaado ahaa Geesigii Qaaradda Afrika wuu dalkiisa Koonfur Afrika aan la gaadhi jirin wax go’aan ah oo aanu ogayn Mandella.

Haddaba waxaan shacabka reer Somaliland oo dhami aad uga wada dharegsan yihiin halka uu ugu jiro Same-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen, isagoo ah shakhsi ku caan-baxay ka shaqaynta maslaxadda ummadda, adkaynta nabadgaliyadda iyo ilaalinta qaranimadda Somaliland oo uu ka mid ahaa ragii dhidibadda u taagay yagleelinteeda 1991-kii markii gooni-isu-taageeda lagaga dhawaaqay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Same-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen, ayaa isagu ah shakhsiga loo la noqdo go’aanka marka ay murugto xaaladda guud ee dalku, isagoo markii-ba ku guuleysta xalinta khilaaf kasta oo wax u dhimi lahaa nabadgalyadda iyo guud ahaan qaranimadda Somaliland. Iyadoo go’aankiisa aanay jiri Karin cid diidi karta. Waana Duco-yaalka dalka maadaama oo uu yahay Oday dhaqameedka dalka ugu da’da weyn, isagoo waligiina ku caan ahaa samo-talisnimada, isku soo jiidida ummadda iyo ka shaqaynta walaalaynta dadkiisa. Alle cimriga ha u dheereeyo waa nuurka ay Somaliland eegato.

Same-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen, ayaa in badan ku guuleystay xalinta khilaafka siyaasi ee dalka ka qarxa. Iyadoo ay ugu dambaysay labadii khilaaf ee Golaha Wakiiladda oo dalka meel halis ah gaadhsiiyey. Isagoo mar kastana si waayeelnimo ah u dhameeyey dhammaan khilaaf-yaddaas. Markaa waxaanu leenahay Alle cimriga ha u dheereeyo waa nuurka ay Somaliland eegato. Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Somaliland. Iyadoo guud ahaan shacabka Somaliland oo dhanina ay dugsadaan muuqaalkiisa Alle nagama bixiyee

Khadar Ali Hussein [Shiine].

Mobile: 00252-63-4405090

khadarshiine012@gmail.com