Samaale Waa Dambiile Qaran Sharcigana in Lala Tiigsado Weeye

 

Caqliga umada inuu caayo may ahayn Samaale sababtoo ah madaxwaynuhu ciduu taageeraayo xor ayuu u yahay sharci u diidayana ma jiro. maaha inuu yidhaahdo wax wayn baa dhici doona isagoo waliba sidaa ku ah musharaxaha jagada madaxwayne. umada somaliland ku dhaqani hadaladay deel qaafka ah ee naxliga iyo xasiloonida khalkhal galinaya ma ahayn inuu yidhaahdo oo qarankan ayuu dambi ka galay waxana weeye in talaabo sharciya laga qaado oo maxkamada lala tiigsado.

Samaale hadalkuu ku hadlay hadal munaafaq ayuu aha waliba sidaasu aayado quraan ah uu soo daliishanaayay, waxaa wax lala yaabo ah in Samaale mar walba aayo quraan ah usoo daliishado meel aan munaasib ku ahayn hadalkiisuna mar walba iyo aayada uu daliishanaya isaga dabarto umaduna kula yaabto. Dhamaan wasiirada is casilay waxaa umada u muujiyeen ineey yihiin kuwo fadhi iska daaye aan wali socod baran sababtoo ah siyaasadu waxaay rabtaa xeeldheeri, dulqaad,samir iyo adoo eegaaya mustaqbalkaaga siyaasada in wax badan aad qaydhinka ku liqdo sida mujaahid muuse biixi oo go’aan geesinimo ah qaatay malinkuu yidhi waan tanaasulay, waxaa bartaa ka arkaysaa bisaylka iyo qofka yoolka lihi inaanu wadada si dheyel dheyel ah aanu kaga baxayn. samaale iyo wasiirada is casilay qanjiidho ayay xamili waayeen halka rag iyadoo dube lala dhacaayo aanay ax ka odhan waayo waxa aay hiigsanayaan iyo waxa aay rabaan ayaa u cadaa. dhamaan wasiradaas is casilay waxaa hankoodi siyasadeed ku dileen ficil kooda ahaa iscasilaada aay iscasileen, waxaa kaloo intaa u wehelisa hadalada aay warbaahinta mariyeen ee raqiiska ahaa een macnaba ku fadhiyin een xataa garawshiyo aan lahayn.

Qarankan Somaliland umadiisa ayaa ilaashanaysa iyo dawlada aay dhisteen ciidan uheelan. hadii xeelad siyasadeed aay yeelan waayeen iyagoo wasiiro ka ahaa dalkan iyagoo maanta shicib ah malaha in umada aay naxli is yidhaahda ku abuurada. umadu waa ogayd samaale iyo wasiirada is casilayba maalintay hawadu u furnayd guulwadayntoodii maantana laga yeeli maayo wax yaabihii shalay marka dameer ciyo aay tv yada qaranka ugu kala dheerayn jirayn sidii aay ugu kala hor jawaabi lahayeen iyagoo difaacaya dawlada, maanta qaadan mayno waxii shalay aay ka dagaalami jireen in umada aay ula imadaan ee waa ineey gartaan in maanta iyagu caqligooda aay caayeen oo natuseen in marka horeba aanay ahayn dad bisil lakiin aay ahayeen dhiig miirato ku noolayd dhiiga umada oo malintii iyaga tooda aay noqotay haatan laga fadhiyi laayahay cabaad kooda.

Ummadda waxaa idin leedahay maalin haku xabeebsanina oo haku xiiqinee energy ga kaydsada oo mucaaridadan curdinka ah cagta u yara dhiga waayo umadu waa tii shalay idin ogayd markaad xilalka hayseen sidaad yeeli jirteen dadkana wakhti siiya hada warkiina diyaar uma aha dhagaysigiisa ee jab kiina waa ku riyaaqayaan safkana dabada ka qabsaday ucid iyo wadani daba istaaga.

W/Q: Aden Deeq