Saleebaan Nuurow Meeday Kaalintii Golaha Guurtidu Ku Lahaa Dhecgalka Colaadaha & Nabadaynta Dalka?

Marka hore Salan Guud  sidaydaba Uma bixin hadal badan, oo bulshada waqti Ka Lumiya,  Mayhi Waayeel Guurtida Kaalinteeda Inuu galo dhexda usoo XIDHAY, AMA u canbaareeyo
Golaha ugu daweyn golayaasha Somaliland uguna mudan.  balse si waxnoqdeenba bee YAHAN  farbaa ku godan,  Miyay daaleen, Ma cadaadis baa kala kulmeen golihii fulinta oo wixii howsha LAGU qaban lahaa baa Dowlada ka soo bixi la. Ma Golahii Wasiiradaa Xilkoodiiba ku Dardaday Kolayba Golaheena Fulintu waa ugu Xukun, Hadal,Lacag & amaanba jeclaa, golayaashii Wasiirada ee ina soomaray rubuc qarni ku dhowaadkaa somaliland jirtey.

Arrimo badan ayaa dalka KA dhacay oo Guurtidu waayadii hore ay buuxin jirtey kaalinta kaga aadan hadase aanay wax badan ba KA ogayn.  Nabadaynta  sool, selel, mashaqooyinkii ceerigabo, burco (aroori)doorashada, xariirad Iyo Caynaba oo hada taagan, Goluhu Kama geysan Kaalintii  kaga aadanayd.

Waxaanu gudoomiyaha oo in badan maqnaa, ku xigeenkiisiina xijaabtay aanu leenahay, Saleebaanow Meeday Kaalintii Guurtidu Dalka Iyo Dadka ku lahayd, Waanu Townay waana naga xusuus.

Wa bilahi towfiiq.