Saleebaan-Gaal oo ka hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Go’aanka hakadka geliyey Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aan golahaasi ku hakiyey Ansixinta Xeer Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo golaha Wakiilladu u gudbiyeen, ka dib markii ay mudaneyaasha golahaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida waxa uu go’aankaas ka dib shir-guddoonka golaha Wakiillada u gudbiyey warqad uu kaga dalbaday sixitaan lagu sameeyo nuqulka Golaha Guurtida loo gudbiyey, isaga oo qoraalkiisa ku sheegay inay kala duwan yihiin nuqulka xeerka loo soo gudbiyey iyo xeerka golaha wakiilladu ansixiyeen. Waxaanay sababtay in guddoomiyaha Golaha Wakiilladu warqad kaga jawaabo dalabka guddoomiye Saleebaan.

HALKAN KA DAAWO HADALKA GUDDOOMIYAHA