Salaadiin Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku Ammaanay Deeqo waxbarasho oo uu siiyay Arday Somaliland ah

Hargeysa ()- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi, ayaa si wada jir ah  ku ammaanay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya deeqo waxbarasho  oo heer jaamacadeed ah oo uu siiyay arday reer Somaliland ah iyo kuwo  ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo wax ka barta Jaamacadda magaaladda Jig-jiga.

salaadiinSalaadiintani waxay sidaasi ku sheegeen war-saxaafadeed kooban oo ay caawa soo saareen, waxaanay ammaaneen Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Muxumed Cumar, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaanu galabta ka daawanay Telefishanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya war ku saabsanaa deeqo waxbarasho oo  Madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar uu siiyay arday aad u badan oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo Puntland. Waxaanan arrintaasi u aragnaa horumar weyn iyo waxtar wax ku ool ah oo uu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya sameeyay.

Waxaanu ku bogaadinayaa waxqabadka iyo horumarka la taaban karo ee uu deegaanka Soomaalida itoobiya gaadhay mudadii uu xilka hayay. Waxaanan u rajaynaynaa inuu  halkaasi ka sii wado dedaalka iyo waxqabadka bulshadda. Waxaanan ku ammaanaynaa inuu xasuustay inuu ardayda dariskiisa ahna xasuustay.”

Somalilandpost.net