Salaad Roobdoon Ah Oo Dalka Laga Tukaray iyo Madaxweynaha Oo Shacbiga Kala Qaybgalay

????????????????????????????????????

Hargeysa(Slpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacbiga ku dhaqan Caasimada Hargeysa kula tukaday Salaada Roobdoonta.

 Salaada roobdoonta oo dalka oo dhan laga oogay ayaa madaxweynuhu kula tukaday garoonta kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium, Salaadan roobdoonta oo muddo sannad gudihii ah laba jeer madaxweynuhu la tukaday shacbiga gobolada Togdheer iyo Maroodijeex.

 Madaxweynuhu salaada ka dib waxa uu ku duceeyey in illaahay ka aqbalo baryadaa ummadda, raxmaadkiisana si degdeg ah ugu shubbo.Ka hor madaxweynaha waxa khudbad ku saabsan roobdoonta halkaa ka jeediyey wasiirka diinta iyo awqaafta oo dadka tukiyey, waxaanu ku baaqay in lays wada cafiyo ilaahayna loo toobad celiyo.

 Sheekha waxa ka mid ahaa hadaladiisa in kulaylkan iyo abaaruhu ay yihiin dunuub dadka ka timid oo ay ka toobad keeni waayeen, dhibaatada ka timid dunuubtaasina ay saamaysay bahaayinka iyo makhluuqa kale ee xayawaanku ka mid ka yihiin ee ay gaadhay.

 Sheekhu waxa uu ku adkeeyey in lays caawiyo oo la isu gargaaro laysna taakuleeyo cidiba ciddii ay ka heyn roontayna ay wax ku taakulayso dadkaa tabaalaysan.