Sakariye Axmed Xasan Cawke oo Buuxinaya Shaqadii uu Aabihii Qaranka u Hayey

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta somaliland oo ay weheliyaan wasiirka wasarasada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah iyo masuuliyiin kale ayaa maanta si wada jir ah u qaabilay caruurtii uu dhalay marxuun: wariye axmed xasan cawke.

 

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo munaasabada qaabilaadda kula hadlay saxaafadda waxa uu caddeeyey in booskii shaqo ee marxuumku ka hayey TV-ga Qaranka lagu wareejiyey mid ka mid ah caruurta uu dhalay, taasoo uu sheegay inay qayb ka noqon doonto xusuusta aan marnaba go’I doonin ee warfaafinta Somailand u hayso Marxuum Axmed xasan Cawke.