Sahra Halgan oo Ciidanka Qaranka ku wareejisay Deeq isugu jirta Muraayada Indhaha iyo Qalab kale

Hargeysa (SLpost)-Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa shalay kala wareegay Fannaanadda caanka ah ee reer Somaliland Sahra Axmed Maxamed (Sahra-Halgan), Deeq Muraayadaha Indhaha ah oo ay ugu talo-gashay Ciidammada Qaranka Somaliland.

Xalfad Deeqdaas lagula kala wareegay oo lagu qabtay Miiska Saraakiisha ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ugu horreyn Xalfadda ka hadlay Taliyaha Ciidammada Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo mahadnaq-u jeediyey Fannaanadda Sahra-Halgan ee deeqdaa soo gaadhsiisay, waxaanu ku boorriyey in aanay marnaba gabin halgankii dheera ee ay u soo gashay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland. Taliyuhu waxa uu sheegay inay Fannaanaddu mar kasta diyaar u ahayd inay la shaqayso Ciidammada jamhuuriyadda Somaliland , deeqdanina aanay ahayn tii ugu horreysay ee ay keento. Balse dhowr jeer oo kale ay soo gaadhsiisay ciidamada qaranka deeqo kala duwan.

Sidoo kale, Fannaanadda Sahra Axmed Maxamed (Sahra-halgan), oo Xafldadda ka hadashay, ayaa sheegtay inay deeqdan ka keentay dalka  Switzerland. Isla markaana,  waxay intaa raacisay inay diyaar u tahay sidii ay uga qaybqaadan la hayd tayaynta Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyada Somaliland. Sahra-halgan waxay Ururrada waddaniga ah u soo jeedisay inay ka qaybqaatan sidii ay u horumarin la hayeen Ciidammada Qaranka Somaliland.

Gebagebadii Xalfadda ayuu Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, guddoonsiiyay shahaado-sharaf Fannaanadd reer Somaliland ee Sahra Axmed Maxamed (Sahra-halgan) oo ka mid ah Fannaaniinta wakhtigan ku nool waddamada Qurbaha ee dalka debaddiisa.

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com