Sagootinta maxaabiis Madaxweyne Siilaanyo Cafis u fidiyey iyo Nuxurka hadalladii Goobta laga yidhi

Hargeysa, (SLpost) Wasiirrada Warfaafinta, Xannaanada Xoolaha, Duulista Hawada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay ka qaybgalay Munaasibad loo sameeyey Maxaabiis lagu sii-daayey Cafis uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyey, kuwaasoo ka tirsanaa Kooxdii Hubaysnayd ee SSC oo lagu soo qabtay dagaal ay Ciidammada Qaranka kula galeen deegaanka Gambadha.

Xafladdaas oo lagu qabtay Huteel Kaah ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horreyn ka hadlay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr.  Cabdi Aw Daahir Cali, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in  Maxaabiistaas oo toddoba Nin ka koobnaa la sii daayo, waxaanu xusay in ay tallaabadani qayb ka tahay siyaasadda Xukuumadda ee ku waajahan xal u helidda tabashooyinka beelaha Dhulbahante. “Munaasibaddan waxaannu u qabannay xubno Maxaabisa oo lagu qabtay dagaal dhex maray Ciidammada Qaranka Somaliland iyo dad ka mida shacabkeenna, kaas oo ka dhacay aagga jiidda hore ee Ganbadha, xubnahaas oo Madaxweynuhu cafis u fidiyey.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ka hadlaya sida uu cafiskaasi ku yimi waxa uu yidhi; “Waxaanu cafiskaasi ka danbeeyey gogoshii nabadeed ee uu Madaxweynuhu dhigay ee ku wajahnayd gobollada Bariga taas oo qayb badani qabsoontay oo shirkii ugu danbeeyey ee ku qabsoomay magaalada Widhwidh ee ay bahwaynta Dhulbahante qaybtoodii badnayd ka soo qaybgashay, qodobbadii halkaa go’aanka lagu qaatayna waxa ka mid ahaa in maxaabiista dagaalka lagu qabtay la sii daayo, iyada oo go’aankaa la fulinayo ayaa 7 xubnood cafiska loo fidiyey.” “Qodob kale ayaa isaguna sheegayey in shir la qabto, shirkaas oo lagu dhammaystirayo kuwii hore ee ka dhacay magaalada Widhwidh, si wixii arrina ee jira ee qabyo ah loo dhammaystiro, immikana colaaddii iyo khilaafaadkii wax badan xal ayaa loo helay waanay dhammaadeen wixii talo ah ee qabyo ah waxa lgu dhammayn doonaa shirwayne loo dhan yahay, 7 xubnoodna maanta laga bilaabo waxay xor u yihiin xorriyaddoodii markii horana waxa lagu qabtay denbi gaara muu ahayn ee denbi dagaal ayuu ahaa.” ayuu yidhi Wasiir Cabdi Aw Daahir.

Garaad Diiriye Maxamed Cali oo ka mida Madaxda dhaqanka Beelaha Dhul-bahante, oo Munaasibaddaa ka hadlay, Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa uga mahadceliyey sida walaalnimada iyo masuulnimada leh ee ay ugu hawlan yihiin hirgelinta nabadgelyada dalka iyo siiddeynta Toddobadaas Maxbuus. Waxaanu Garaadku baaq u jeediyey Qurbo-joogga gobollada Sool iyo Buuhoodle. “Waxaan halkan farriin uga dirayaa qurba-joogga bahwaynta Dhulbahante waxay ku taageeri jireen dadkaa dagaalka ka wada deegaannada ay dagaan Hubka iyo dawooyinka waxaanay ku guubaabiyaan inay dagaallamaan. Markaa, waxaanu leenahay walaallayaal intayadii joogtay waxaannu qaadannay oo dadkii iyo dalkii ugu talinnay nabad, nolol iyo horumar, taas ayaanu soo dhawaynay, sidaas darteed waxaanu idinka codsanaynaa sida walaalihiinna kale ee Somaliland ee Jaamacadaha dhisaya ee Dugsiyada dhisaya ee Biyaha qodaya, isla markaana dadka arrimaha bulshada uga shaqaynaya inaad sidooda oo kale aad idinkuna ugu shaqaysaan dadkiinna oo aad wax soo tartaan, markaa nagu taageeera go’aankaa aanu wada qaadannay oo nala shaqeeya.” Sidaa ayuu yidhi Garaad Diiriye.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Axmed  Cabdi Xaabsade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay colaaddu wax faa’iido ah u lahayn bulshada. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ahmiyad wayn siinayso nabadgeliyada iyo wada jirka ummadda Somaliland, waxaanu dadwaynaha ku dhaqan gobollada Bari ee dalk u soo jeediyay  in ay ka qayb qaataan horumarka deegaannadooda.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha ciidanka Asluubta Maxamed Xiirane iyo la-taliyaha Madaxwaynaha ee gobollada Bari Fu’aad Aadan Cadde, waxaanay soo dhaweeyeen siiddeynta Maxaabiistaas, isla markaana, waxa uu Fu’aad Aadan-Cadde, Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ugu baaqay inay sida sharafta leh ee ay Somaliland u siiddeysay maxaabiistii dagaalka lagu qabtay eegaan oo ay siiddaayaan Maxaabiis Masuuliyiin iyo Askar Ciidanka Qaranka ka tirsan isugu jira oo uu xusay inay Waddo isu taageen iyaga oo aan dagaal ku jirin ee reerohooda booqanaya.

Xafladdaas loo sameeyay maxaabiistani la sii daayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Guddaha Cismaan Garaad Soofe, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda, xadhiidhka goleyaasha iyo dadwaynaha, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Kooxdii Garabkii nabadda qaatay ee SSC, Madax-dhaqmeed iyo Maxaabiista la siiddaayey.

Waa markii ugu horaysay  ee urur siyaasadeed  ay madax ka yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda  gobolada Sool iyo  Buuhoodle lagaga dhawaaqo caasimada Somaliland ee  Hargaysa, iyada oo ay  arrintani  tusaale fiican u noqonayso fur-furnaanta siyaasada  Somaliland iyo dimuqraadiyada iyo sinaanta shacabkeeda ee ka hana qaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net