Safiirka Shiinaha oo mar kale ka hadlay Xidhiidhka Cusub ee Taiwan iyo Somaliland

Safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland iyo Somalia
Safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Shiinaha ayaa weli sii wadda dagaalka ka dhanka ah xidhiidha iskaashi ee dhex maray Dawladaha Somaliland iyo Taiwan.

Shiinaha oo aaminsan in Taiwan tahay dhul ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha ayaa sheegay inaanu ogolayn inay lumiyaan Taako keliya oo ka mid ah Dhulkooda Shiinaha.

Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya Amb. Qin Jian oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland, ayaa qoraal ku qoran luqad adag ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, kaasi oo ah farriin ku socota Dawladaha Somaliland iyo Taiwan.

Ambassador Qin Jian waxa kale oo uu sheegay in Taiwan ahayd dhul uu Shiinuhu aasaasay 71 sanadood ka hor, sidaasi darteed aanay xilligan ka tanaasuli Karin.

Safiirka ayaa Qoraalkiisa ku yidhi “Waxaanu la saaxiibnaa dalalka dunida  Annaga oo dhaqaalahayaga ku horumarinayna. Ma lumin karno in yar oo ka mid ah dhul-weynaha China.”

Safiirku waxa kale oo uu sheegay, “Taiwan waxay ka tirsanayd China illaa wakhtiyadii hore. 71 sannadood ka hor China wuxuu geeyay 35 Milyan oo ruux, waxaana laga aasaasay Shiinaha cusub,” ayuu yidhi.

Xiisadda diblumaasiyadeed ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa kor u kacday tan iyo bishii February ee sannadkan oo ay heshiis wada saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan, maadaama oo Shiinuhu aaminsan yahay in Taiwan ka mid ah Dhulkiisa isla-markaana aanay Cidna heshiis la gelin Karin.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo horraantii bishan dhamaanaysa yimid Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa hadallada xilligan ka soo baxayaa muujinayaan inay midho-dhali waayeen dedaallo diblumaasiyadeed oo uu ku doonayey inuu Somaliland ku qanciyo inay ka noqoto Heshiiska Taiwan, taa beddelkeedana ay xidhiidh wanaagsan la yeelato Shiinaha.

Taiwan ayaa dhawaan Xafiis Wakiileed ka furatay Magaalada Hargeysa, waxayna markiiba bilowday inay Ganacsatada Somaliland u fiisayso Baasaaboorka Somaliland, sidaasi si la mid ah Somaliland ayaa doonaysa inay bisha soo socota si rasmiya Xafiis diblumaasiyadeed uga furatay Caasimadda Taiwan ee Taipea, halkaasi oo uu ku sugan yahay Safiir ay Somaliland u Magacowday.

Somalilandpost.net