Safiirka Midowga Yurub oo 10 Cisho Gudahood Markii 2aad Kulan la Qaatay Madaxweyne Biixi iyo Arrimaha laga wada-hadlay

Safiirka Cusub ee Dowladda Sweden, Staffan Tillander, oo socdaalka ku weheliya Danjiraha Midowga Yurub

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka kooban Safiirrrada Midawga Yurub iyo dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaalida, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander oo socdaal ku yimi dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Danjireyaasha Midowga Yurub iyo dalka Sweden, ayaa ka- wada hadlay Arrimo la xidhiidha sii xoojinta Xidhiidh u dhexeeya labada dhinac iyo sidoo kale dar-dargelinta Qabsoomidda Doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo inay dalka qabsoomaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

“Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, waxa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta  xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi  la isagana kaashan lahaa arrimaha Mandaqadda Geeska Afrika,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kale oo lagu sheegay, “Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha iyo Danjireyaasha reer Yurub, ayaa daba socda Kulan 9-kii bishan October Hargeysa ku dhexmaray madaxweyne Biixi iyo Danjiraha Midowga Yurub oo wefti uu hoggaaminayo socdaal ku yimaaddeen dalka horaantii bishan.

Socdaalka uu Danjiraha Midowga Yurub iyo Safiirka Sweden ku yimaaddeen dalka, ayaa ujeeddadiisa lala xidhiidhay inay salka ku hayo khilaaf ka taagan arrimaha Doorashooyinka, iyada oo labada dibloomaasi wakiil uga yihiin dalalkooda oo ka mid ah Qaadhaan-bixiyeyaasha beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland.

Khilaafka xilligan doorashooyinka ka taagan ayaa ah Cabasho xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka muujiyey xubnaha cusub ee guddiga Doorashooyinka ee madaxweyne Biixi magacaabay oo qaarkood uu la xidhiidhiyey inay ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanay taasi sababtay in Xisbiga Waddani qoraal uu ku codsanayo in la hakiyo xubinta ay u soo magacaabeen guddiga Doorashooyinka u gudbiyeen Golaha Wakiillada oo madaxweyne Biixi u soo gudbiyey Toddobada Xubnood ee guddiga Doorashooyinka Cusub si ay waajibkooda sharciga uga gutaan ka hor inta aan la ansixin.

Dhinaca kale, Ujeeddada socdaalka Danjireyaasha ku yimaaddeen dalka, ayaa la xidhiidha is-barasho iyo sii xoojinta Wada-shaqaynta dalalka Somaliland iyo Sweden, iyadoo danjiraha dalka Sweden Amba. Staffan Tillander dhowaan loo soo magacaabay xilka safiirnimo.

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net