Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Sudan oo Xilkiisa ku Waayey Diinta Islaamka oo uu Qaatay

Khartum (SLpost)- Safiirkii dawlada Maraykanka u fadhiyey magaalada Kharduum ee dalka Sudan, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkuu hayey, ka dib markuu qaatay diinta islaamka, sida ay qortay warbaahinta dalkaasi Sudan

Sida lagu baahiyey jariiradda World Bulletin, Masuulka ugu sareeya safaaradda Marayanka ee magaalada Kharduum oo lagu magacaabo Joseph D Stafford, ayaa is-casilaadiisa ku sheegay inay la xidhiidho arrimo shakhsi sida uu ku war-geliyey wasaaradda Khaarajiga Maraykanka, laakiin xogo laga helay dalka Sudan, ayaa sheegay in lagu khasbay iscasilaada ka dib markuu qaatay diinta islaamka.

_US_Ambassado rto_SudanXogaha ku saabsan iscasilaada Safiirkii Maraykanka ee Sudan, ayaa intaas ku daraya in Mr Joseph uu dhowr jeer booqday xarunta  Ansar al-Sunnah ee Sudan, isla markaana xidhiidh dhow la yeeshay tiro ka mid ah culimada Diinta Islaamka Sudan xilliyadii booqashadiisa.

Wasaarada Khaarajiga Maraykanka ayaan wax qoraal oo arrintan xaqiijinaya ama ay ku dedafaynayaan ka soo saarin warka  Joseph Stafford.

Haseyeeshee, xogtan uu baahiyey World Bulletin, waxa xaqiijiyey isla markaana arrin kaga hadlay Mr Stafford oo Maqaal uu ka shaqaynayo xaaladda qoyskiisa ku qoray wargeyskaSudan Tribune, kaas oo uu ku sheegay, “Aniga iyo xaaskaygu nasiib ayaan u yeelanay la kulanka dad wanaagsan guud ahaan Sudan oo xiisaynaya, diyaarna u ah isbedelka bulshadooda. Waan idin xusuusnaan doonaa weligayo idinka iyo dalkiina koraya, sidoo kalena, waan rajeynayaa inaad sii wadi doontaan dedaalkiina aad ku doonaysaan nolol wanaagsan, sida aad hal-hayska ugu leedahiin ‘dhaqaaq kasta barakaa ku jirta.’

SOMALILANDPOST.NET