Safiirka Britain u fadhiya Addi Ababa oo ka hadlay Xidhiidhkooda Somaliland iyo baaq loogu jeediyey inay dawladdiisu wax ka qabato Xannibaadda Xawaaladaha Soomaalida

SONY DSCHargeysa (SLpost)- Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dawladda Itoobiya iyo Arrimaha Soomaalida, Mr Mills Wigen, ayaa xidhiidhka Somaliland iyo dalkiisa ku tilmaamay mid soo jireen ah, isla markaana xilligan meel wanaagsan maraya.

Safiirka oo maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxa ku dheeraaday xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, waxaanu sheegay inay Somaliland ka caawiyaan dhinaca horumarka, iskana kaashadaan Arrimaha Ammaanka.

Safiirku waxa uu sidoo kale xusay doorka ay muwaadiniin Somaliland ka soo jeedaa ka qaateen horumarka dalkiisa.

“Bulshada Somaliland iyo dalka Ingiriisku muddo ku siman boqolaal sanno ayuu xidhiidh ka dhexeeyay, aad baanan ugu faraxsanahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalkayga ee maanta aadka u xoogaystay,” ayuu yidhi Mr. Mills Wigen, waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlaya xidhiidhka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee labada dal. “Wada-shaqaynta uu Ingiriisku la leeyahay Somaliland waa mid aad u badan, waxay dawladda Ingiriisku ka qayb qaadataa barnaamijyada horumarineed ee Somaliland iyo iskaashiga dhinaca amniga, waxaananu ciidamada u samaynaa tabobaro. Sidoo kale, waxay labada dalka wada leeyihiin xidhiidh siyaasaddeed oo aad isugu dhaw, isla markaana aad u xoogan.”

Dhinaca kale, muwaadiniin reer Somaliland ah iyo masuuliyiinta carwadda buugaagta ayaa safiirka farriin ugu dhiibay xukuumadda Ingiriiska, taasi oo ku saabsanayd inay wax ka qabtaan arrinta xidhitaanka xawaaladaha Soomaalida ee baanka Barclays, taasoo ay tilmaamay inay caqabad dhaqaale ku tahay ummadda soomaalida oo lacagta ugu badan looga soo xawilo wadamada reer Yurub, gaar ahaan dalka Ingiriiska.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net