Safarkaygii Dooxo-guban- Cabdishakuur Heersare

 

 

Waxa aanu ka koobnayd laba qof. Baabuurka waxa waday Xiis Saleebaan Nuur. Waxa aanu ahayn laba qof oo sheeko-wadaag ah oo kolba arrin wada gorfaynaysay. Waxaa se aniga ii dheerayd oo kolba maskaxdaydu ku mashquulaysay meesha aanu ku soconno oo aan hore u arag. “Maxaad kala kulmi doontaa? Maxaad ku soo arki doontaan? Tolay waa deegaan noocee ah?” Weydiimahaas iyo kuwo la mid ah ayaan maskaxda iska waydiinayay.
Markii aanu Dacarbudhuq dhaafnay ee aanu gaadhay ee aanu gudaha u galnay xadka lala qabiya gobolada Maroodijeex iyo Saaxil, ayaanu dhinaca waqooqi waddada uga leexannay. Waxa aanu kala dhex marnay laba buurood oo aad laba naas moodo lana yidhaahdo “Kalaha”. Aniga oo ka fikiraya in aanu buurahaas ku dhex jiranaynno. Ayaanu u baxday meel siman oo reero deggan yihiin. Halkaas oo indhahaygu qabteen dugsi hoy ah oo Xiis ii sheegay in dadka deegaanka ka soo jeedaa ay dhisanayaan. Waa dugsi si fiican loo dhisay isla markaana dhammaad ku dhow.

Xiis maadaama oo uu marar kala duwan meesha uu maro wuxuu ka noqday caan. Iskadaa dadka waawayn’oo waxay si fiican isu yaqaannaan carruurta oo marka uu tegayo uu u sii qaado buskud iyo nacnac.

Waxay ahaayeen carruur yar yar oo Xiis inta uu isu taagay uu buskud u qaybinayay. Waxay carruurtu ku faraxsanaayeen buskad ka loo qaybinayo. Waa carruur miyi ku nool oo fursad qaaliya u aragta in buskud ama nacnac loo keeno.
Markii aanu ku dhawaad saddex kiilo mitir soconnay ayuu Xiis ii sheegay in aanu joogno meeshii aanu ku soconnay afkeedii ugu horreeyey. Weliba waan yaabanahay oo waxa aan iswaydiinayaan: “Tolay beerihii iyo nimcadii uu Xiis kuu sheegayay meeday?”  In yar markii aanu soconnay ayaanu beertii ugu horraysay gaadhnay. Markaas ayaan waydiintii jawaab u helay. Hore ayaanu beertii u dhex galnay. Waa beer aan waqti dheer jirin balse si fiican loo beeray oo khudrad kala duwani ku taallo. Waana beerta ugu soo sokaysa.
Markii aan beertaa sii dhexgalay waxay indhahaygu qabanayeen geed-midhoodyo kala duwan oo si fiican u baxay kana mid ahaayeen Cambe-laf, Saytuun, Liin iyo khudaarta yar yar ee cuntada lagu karsado. Waxaana beerta leh Xiis Saleebaan Nuur oo aanu wada soconnay. Waxaana Xiis Saleebaan ii sheegay in beerta oo baaxad ahaan ka kooban 10 Higtar oo dherer ah iyo saddex higtar oo ballac ah ay adda awooddu u saamaxtay inuu beero 4 higtar. Isla markaana ay hadda u beeran tahay 900 oo geed-midhood.
Maxaa Xiis ku dhiirrigeliyey inuu miyiga u soo baxo oo beer wax-soo-saar ka samaysto, goormay se ayay ahayd xilligii uu beerta asaasay? Waxaana uu Xiis ku jawaabay oo uu yidhi: “Horta walaalo waxa aan degenahay Hargeysa. Deegaankanina waa halkii aan ku barbaaray ee aan wax ku bartay. Markii aan Hargeysa tegay waxa aan hoosta ka soo bilaabay ganacsiyo yar yar, illaa haddana waan ku jiraa. Runtii aniga oo ganacsiga ku jira waxa aan dareemay oo aa naftayda ka helay in xaggii beeraha aan u jeesto. Beryihii  hore waxa beeraha beeran jitay dad reer miyi ah ama xooluhu ka ceedhoobaan ama dhib qabsatay ayuum baa wax beeri jiray.  Markaa waxa aan is idhi bal si aad tusaale u noqoto beerihii dib ugu noqo. Beertan waxa aan asaasay 2012kii bishii April. Beertan  waxa ku beeran 900 oo geed-midhood oo isugu jira Saytuun, Cambe-laf, Liin-macaan, Liin-dhanaan, Muus, Timir, waxyaabahaas oo dhan ayaa ku beeran. Welina waanu sii wadaynaa oo waanu ka sii badinaynaa.”
Xiis wuxuu intaa raaciyey oo uu yidhi: “Runtii waxa aanu ku faraxannahay in aannu kugu soo dhawaynayo Dooxo-guban. Waxa aad noqonaysaa qofkii ugu horreeyey ee warbaahin ah ee dadkaa wax duuba ka socda ee halkan noogu yimaada. Runtiina taasi waxay na tusaysaa in aad tahay qof danaynaya arrimaha bulshada iyo horumarka dalkeenna. Sida aad arkayso deegaankani waa deegaanka beeralay ah. Wuxuu u dhexeeyaa gobolada Maroodijeex iyo Saaxil. Saaka markii aynu Hargeysa ka nimi waxaynu soo soconnay konton daqiiqo. Waana beertii ugu horraysay halkani wixii kalena way innaga hooseeyaan. Deegaankani wuxuu ka kooban yahay 128 bustaan. Waa deegaan ballaadhan oo beero wax-soo-saar ah. Waxa ka baxa oo lagu beeraa khudaar iyo geed-midhoodyo kala duwan. Weli lagu ma beerin hadhuudh ama Gelley, inkasta oo ay jirto digirta oo lagu beero. Laakiin haddii alle ka dhigo waa lagu talo jiraa in la beero.”
Waxa kale oo uu Xiis ii sheegay in deegaanku biyo fiican oo ku filan leeyahay. Iyadoo meelaha qaar oo deegaanka ka tirsan dhawr joog uun ceelasha biyaha la qodo. Waxa ay indhahaygu qabanayeen biyo fadhiya meelo kala duwan iyo in roobabka dayrtu ay deegaannada si fiican uga da’een.
Meelaha dooxyada ah ee daadadku maraan ayaa haddii aad in yar uun ciidda dooxa la qodo waxa aad arkaysaa biyaha oo soo maaxaya. Waxaana aad dareemaaysaa in ciiddu si fiican biyaha u haynayso.
Waxa aan dhex galay beero kala duwan oo deegaankaa ku yaalla. Waxa aad ii soo jiitay qaabka beraha qaar u baxeen, geed-midhoodyada ku yaalla, khudaarta kala duwan ee la beeray iyo sida ay bustaannada looga shaqeeyey. Beeraha qaar geedka timaada cabuurta ayaa dadka ka dhaadheer, basaas-qaji markaa go’ay, basal, Baytaraaf iyo khudaar kale.
Waxa kale aan arkay in ciidda deegaankaasi ay waxbeerista ku fiican tahay, Biyaha laftooda ayaa si fiican loo heelaa oo deegaankaa waxa mara saddex doox oo mid kasta ay beeruhu dhinacyada ka raacsan yihiin. Xilli roobaadka marka ay dooxyada daadadku soo maraan in yar ayuum baad dooxa qodaysaa oo markiiba biyaha waad gaadhaysaa.
Dad kala duwan oo deegaankaa Dooxo-guban ku nool oo aan la kulmay qaar ka mid ah aan la sheekaystay, ayay ii soo baxday inay yihiin dad u heellan wax-soo-saarka iyo maalista tacabkooda. Waxa arrintaa kuu caddaynaya sida beeraha looga shaqanayo ee loogu tartamayo horumarinta bustaannada. Waxaana dadku beerahaa badankooda sameeyeen oo asaaseen wixii ka danbeeyey markii Somaliland lagu dhawaaqay ee colaadaha laga baxay.
Maxamed Ismaaciil Xaaji Cali wuxuu ka mid yahay dadka beeraha bustaanka ah ka hirgeliyey Dooxo-guban. Sideed sano ayuu shaqa beeta waday, iyadoo hadda beertiisu si fican u baxday. “Beertan aniga ayaa asaay oo siddeed sano ayay sidaa ku noqotay. Liinta iyadoo yar yar ayaan soo iibiyey oo halkan aan ku beeray. Laakiin Cambaha iyo Saytuunka aniga ayaa beeray. Waxaana beerta ku yaala dhawr boqol oo geed-midhood ah. Beertan khataskii aan ku bilaabay wuxuu ahaa illaa kun doollar, maanta waa taas oo waa dhereg.” Ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil.
Maxamed markii aan beertiisa ku jiray ayaa wuxuu igu casuumay Liin-baydariin si fiican u bislaatay. Runtiina waxa aan ka mid ahay dadka Liinta aadka u jecel siiba  Liin-baydariinta. Markii aan Liintaa dhadhamiyey ee aan cunay waxa ii soo baxday intay carro-san ku baxay isla markaana biyo ku filan heshay. Waxaana ay ahayd Liin wada biyo ah. Weliba sidii aan Liin-baydariinta ku bartay ee dhanaanka ahaa iyadu way macaanayd.