Safaaradii Sucuudiga Ee Dalka Iiraan Oo Mudaharaadayaal Dawladu Taageersantahay Ay Gubeen

Tahran(SLpost)-Dibadbaxayaal ka caraysan dilkii uu Sucuudiga u gaystay wadaad caan ah oo Shiica ah ayaa waxa ay weerareen safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Iiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen xubno ka tirsan kooxda u tababaran sida milateriga oo dhismaha safaaraddaasi ee magaalada Tahraan ku tuuraya bambooyin laga sameeyay batrool, halkaasi oo ay dibadbaxayaashu burburiyeen alaabtii taalay ayna dhismaha safaaradda dab qabadsiiyeen ka hor inta booliska Iiraan aanay kala eryin dadkaasi.

160102171451_mashhad_iran_saudi_protests_640x360_mizanonlineir_nocredit

Xilli sii horraysayna dowladda Iiraan oo ah awoodda ugu ballaaran ee Shiicada dunida ayaa uga digtay Sucuudiga in ay ka shalayn doonto dilka ay u gaysatay Sheekh Nimr al-Nimr, kaasi oo loo dilay dambiyo la xidhiidha argagixisanimo iyo qeybtii uu ka qaatay dibaxyo ka dhan ah dowladda Sucuudiga intii uu socday Kacdoonkii Carabta.

Dilka uu Sucuudiga u gaystay Nimr al Nimr ayaa la hubay in uu ka caraysiin doono Iiraan oo isu aragta in ay mas’uul ka tahay Shiicada laga tirada badan yahay ee ku nool Bariga Dhexe.

Dad badan ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee safaaradda Sucuudiga ee magaalada Tahraan si ay u muujiyaan caradooda ku aadan arrintaasi. Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa u dhacay gudaha safaaradda oo waxa ay ku tureen bambooyin laga sameeyay batrool ka hor inta boolisku aysan kala eryin.

Qof goobjooge ah ayaa BBC-da laanta Afka Persian-ka u sheegay in xubnaha maleeshiyada taageerto dowladda ay qayb ka ahaayeen weerarka.