Safaaradda Turkiga ee Azerbaijan oo abaaraha Somalia u ururisay $251,266

Azerbaijan,(SLpost)- Olole balaadhan oo uu Turkigu ugu jiro ururinta dhaqaale lagu taageero dadka abaaruhu aafeeyeen ee Soomaaliya, ayaa lagu ururiyay Safaaradda Turkigu ku leeyahay dalka Azerbaijan lacag dhan $251,266 oo Doollar, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaas ee Anadolu Agency.

Dadka degaanka caasimada dalka Azerbaijan ayaa sidoo kale ka qaybqaatay ololahaas, kuwaasoo ah ganacsadayaal taageero ka hela isla safaaradda uu Turkigu ku leeyahay dalka Azerbaijan. Isla markaana ganacsadayaal Azerbaijan u dhashay ayaa iyaguna taageero ka geystay ololahaas.

Dhaqaalahan la ururiyay iyo sidoo kale lacagaha ay caalamka ka soo kala ururiyaan safaaraddaha uu Turkigu ku leeyahay ayaa la sheegay in lagu soo shubo Akoonto ay dawladda Turkigu Soomaalida ugu furtay sidii loo taageeri lahaa dadka ku tabaaloobay abaaraha Soomaaliya ka dhacay.

Dhanka kale, Baanka Adduunka ayaa meel-mariyay dhaqaale gaadhaya 30 milyan oo Doollar oo lagu caawinayo qaxoontiga Soomaaliyeed ee jooga dalka Itoobiya. Baanka Adduunka ayaa magaalada Washington, DC kaga dhawaaqay Khamiistii la soo dhaafay inay ugu deeqayaan 30-kaa milyan oo ay sii marsiinayaan Hay’adda UNHCR si loogu caawiyo inka badan nus-malyuun qof oo qaxoonti ah oo u badan caruur iyo haween, kuwaasoo ku jira kaamam qaxoontiga ah oo ku yaala dalka Itoobiya iyo weliba Kenya.

Dhaqaalahaas ayaa la sheegay in mudo ka badan 18 bilood loogu talogalay in lagula dagaalamo nafaqo-darrada iyo in lagu bixiyo sare-u-qaadista adeegyada caafimaadka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net