“Sadexdii bilood ee ugu danbeeyay boqol shil ayaa dhacay, waxa ku dhintay 18 qof waxaana ku dhaawacmay 85 ruux oo kale…” Taliye Fadal

shil-gaariHargeysa(SLpost)-Khasaaraha shilalka gaadiidku ay gaystaan ayaa aad u sareeya Somaliland, waxa uu taliyaha booliska Cabdilaahi Fadal uu sheegay sadexdii bilood ee ugu danbeeyay oo kaliyaata inay dhaceen boqol shil, kuwaas oo galaaftay 18 ruux iyaga oo dhaawacyo u gaystay boqol wax dhiman iyo burburinta hanti badan.

Waxa uu sidan ku sheegay taliye Cabdilaahi Fadal barnaamij laanta BBC-da ee afka Somaligu ay ka diyaarisay shilalka dalka ka dhaca, hadab isaga oo arintan taliyahu ka hadlaayay waxa uu yidhi “Sadexdii bilood ee ugu danbeeyay boqol shil ayaa dhacay, waxa ku dhintay 18 qof waxaana ku dhaawacmay 85 ruux oo kale, 97 gaadiid ah ayuu qasaare ka soo gaadhay, xoolahuna waa shan iyo afartan.”

Taliye Fadal oo ka hadlaayay waxyaabaha sababa shilalka waxa uu yidhi“waxyaabo badan ayaa sababa waxaana ka mid ah xawaaraha sare ee gaadiidku ku socdaan, mobailada iyo daahyada  oo had iyo jeer basaska lagu xidho taxadir daro ayaa iyaduna ka mid ah.”