Saddex ka mid ah Shaqaalaha TOWERS-ka Shirkadda SOMTEL oo ku Geeriyooday Shil Naxdin leh

Hargeysa (SLpost)- Allaah ha u naxariistee saddex nin oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL ee Somaliland, ayaa maanta ku geeriyooday deegaanka Xabaalo-Tumaalo oo ah Tuulada u xigta magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ka dib markii uu la go’ay Taawar ay rabeen inay furaan.

Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Mudane Jaamac Xaaji Maxamoud Cigaal  waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u diyaraa Dhamaan Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shaqaalaha Somtel Ee Ay ka baxeen Marxuumiinta Kala ah:-

1.      Marxuum Deeq Siciid Cismaan

2.      Marxuum Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe

3.      Marxuum Axmed Nuur Cali

Oo ku Geeriyooday Shil-Taawar Oo ka dhacay Deegaan-ka Xabaalo Tumaalo Oo u dhaw Magaalada Berbera, Innaali laahi wa innaa ilahayhi raajicuun.

Gudoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa Marxuumiintaas Inuu Jannatul fardawsa Ka waraabiyo dhamaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahan Shaqaalaha Somtel Ee ay ka baxeena Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُورِ (185)

إنا لله وإنا إليه راجعون

Khadar Abdirahman Abdilahi

Public relation & Media

Mobile :+ 79002222

Hargeisa, Somaliland.