SADDEX IMA WADA QABATO

 

 

Nin aanu saaxiibnahay ayaa  wuxuu maalin iga sheekeyey sheekadana  wuxuu yidhi

Beri baa waxaa jiri jiray  Xiiqsane ,

Xiiqasane wuxuu lahaan jiray wan iyo Ey, Wanka waxaa la odhan jiro Xamiloo halka Eygna u ahaa Xadhigoo

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa ka bukooday EYgii , Ninkii Xiiqsane ahaa  aad buu murugooday dadkii ay jaarka ahaayeen oo dhami way dareemayeeen in dhibaato haysato ninkii

Mudo markuu fikirayey , wuxuu go’aan saday in uu wankiisa gawraco si uu ugu daweeyo  EYgiisan , markii uu gawracay wankii wuxuu soo qaaday badhidiisi  waxaanu siiyey Eygii  mudo yar ka dibna    Eygii  wuu bakhtiyey  Ninkii Xiiqsane   intuu naxay   ayuu samadaa ka qayliyey wuxuu yidhi  saddex imada wada qabato   Eygii Xadhigoo waa ,  oo  wankii Xamiloo  waa , oo hambo xalaalana waa  .

WQ:  Kamal Hassan Isaaq

Email: knk_hasan@hotmail.com

Tell: 0025634402758