Saddex aanney Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax Dhaqameed ugu Baahneyn

Wadahadalladii Turkigu hoggaaminayey ee u dhaxeeyey Soomaaliland iyo Soomaaliya, waxa joojiyay oo isaga baxay wadanka Soomaaliya. Waxa ay fulin waayeen dhammaan waxyaabahii lagu heshiiyey oo dhan. Waxa ay isku dayeen in ay keenaan waxyaabo badan oo moran iyo kala aaminbax keenaya oo shirkii ugu horreeyey in lakeenin lagu go’aamieyey.

Iyada oo sidaas ah, haddana Soomaaliya waxa ay keentay waji kale oo wada hadalka ay danahooda uga dhex arki karaan ama caqabad ugu sameyn karaan.  Waxa ay turkiga ka dhaadhaciyeen in wada hadallada loo badalo odey dhaqameed oo madaxda dhaqanka shirka loo daayo.

Haddaba waxa aan doonayaa in aan iftiimiyo arrintaasi, oo noqon karta ilduuf siyaasadeed oo mar kale Soomaaliland ku dhaca. Run ahaantii hannaankani waxa uu bahdil iyo quudhsi ku yahay dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland oo ah dal dhismey oo leh nidaam dowli ah oo aad u adag.

 Soomaaliland waxa ka jirta dowlad 25 sano jir ah oo horumar iyo dowlad dhis joogto ah sameyneysay,  amnigeeduna aad u wanaagsanyahay, halka ay Soomaaliya ka jirto dowlad aad u taag daran oo aan dalkeedaba gacanta ku wada hayn.

 Shacbiga Soomaaliland, arrimahiisa maamul iyo siyaasadeedba, waxa uu u doortey goleyaal qaran oo ay kala xisaabtamaan. Xukuumadda oo arrimahaas toos u fulineysa iyo goleyaasha Shacabka (bar lament) oo loogu talo galey in ay xukuumadda arrimahan kala xisaabtamaan, waxii qalloocdana saxaan. Laakiin Soomaaliya wax ka jirta xukuumad gacan ku rimis ah oo wadamo shisheeye soo buusbuuseen.

 Somaliland iyo Soomaliya siyaasad ahaan ayay u kala tageen, laakiin dhaqankooda, luuqaddooda, iyo midabkooda midna iskuma haystaan oo waa ay wada ilaashadaan, waxyaabaha hadda laga hadlayaana waa arrimo siyaasadeed oo xukuumad loo doortay, lagalana xisaabtamayo.

Marka siguud loo eego madax dhaqameed wadahalladan waxba meel ay kasoo gali karaan majirto, kuwa Soomaaliland waxa aad u wanaagsan in ay toos uga hadlaaan oo ay yidhaahdaan xukuumad ayaan u leenahay arrimaha siyaasiga ah.

Cilmi Baadhe Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda ah

Maxamuud Daahir Cismaan

Baadigoob@hotmail.com

063 4085537