Sacuudiga oo dalkiisa ka soo musaafuriyay in ka badan 12-kun ruux oo Soomaali ah.

Sucuudi(SLPOST)Saraakisha dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia ayaa in kabadan 12,000 qof oo Somalia ah ka soo tarxiishay wadankeeda tan iyo 1-dii bishii January ee sanadkaani

tarxiil

waxana ku jira boqolaal haween iyo caruur ah kadib markii dowlada wadankaasi sanadkii tagay ay ku dhawaaqday in dalkaasi ay isaga baxaan dadka sharci darada ku jooga dalkaasi.

Hay’ada arimaha qaxootiga u qabilsan QM UNHCR ayaa u sheegtay masuuliyinta dalka Sacuudiga in ay joojiyaan howlaha ku aadan soo taxiilida ay ku hayaan Soomaalida ku sugan dalkaasi.

 

UNHCR ayaa sheegtay in saraakisha amaanka dalkaasi ay jir dil ay kula dhaqaaqen qaar kamid ah Soomaalidii gacanta lagu dhigay ee dalkooda dib loogu soo celiyay.

Afhayeen u hadlay hay’adaasi ayaa sheegay in qaar kamid ah degaanada koonfurta Somalia ay weli tahay mid qatarteeda taagan welina ay ku sugan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Hay’ada ayaa sheegtay in 3-dii bishii Febraayo ay Sacuudiga soo tarxiishay ku dhawaad 12,332 kuwaasi oo Muqdisho la keenay.

Wasarada arimaha gudaha dalka Sacuudiga ayaa hada diyaarinaysa in ay soo ttarxiisho Somalia gaaraysa 30,000-qof oo Somalia ah waa sida ay sheegtay hay’ada socdaalka caalamka IOM.

Waxaa jirta in Somalia badan ay ku dhibaatoonayaan xabsiyo ku yaala dalkaasi.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland