Sacabkii La Tumay Iyo Maqaskii La Tabay! – Qallinkii Cumar Seerbiya

Cumar SeerbiyaSoomaalidu waxay ku maahmaadaa “hubsiimo halbaa lasiistaa “ oo ay uga jeedaan in layska hubiyo waxkasta intaan lagu dhaqaaqin fulintiisa , waxa kale oo kale oo ay maahmaahdaa ,“Intaanad falin ka fiirso”.

Waxaanu u baxnay aniga iyo koox warfidiyeeno ah meel ka baxsan magaalada Hargeysa halkaasi oo aanu doonaynay in aanu kaga qayb-galno munaasabad uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) uu ku furaayey mashruuc markaasi la dhamaystiray .

Masuuliyiinta ama qofkasta oo madax ahi waxa uu iska leeyahay weheliyayaal ama dad ka agdhaw oo inta badan isku daya in ay u fududeeyaan shaqooyinkiisa iyo waxii hawl ah ee uu qabanayo qofkaasi.

Markii aan u goobtii gaadhnay munaasabaddu ka dhacaysay ee aanu waqti sugaynay ,weftigii uu madaxweynuhu hogaaminayey, ayaa waxaa mar dambe yimi weftigii oo ay la socdaan tiro masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan iyo dad aanan hadda mansab aanu ku tilmaamo garanahaynin (Title) kuwaas oo inta ay baabuurtii si deg-deg daaqadaha u soo boobeen ay hareeraha iska taageen madaxweynaha oo aan is idhi tolow maanta malaa madaxweynuhu waaba nasanayaa oo nimankan tirada badan ee saaxiibadii ah ayaaba hawsha ka qabanaya?.

Dadkeenu inta badan ma jecla in ay arkaan qof isagu is maamuusa ama is boqra, waxayna shaqadu ku fiicantahay in ay noqoto mid dadka u kala soocan oo la kala leeyahay .

Markii uu madaxweynuhu istaagay goobtii uu xadhiga ka jari lahaa oo ay uga sii horeeyeen qaar ka tirsan ilaaladiisa oo ay ku lamaanyihiin tiro ka mid ah dadkii la socday ayaa waxa isla markiiba tartan loo galay sidii loogu kala dhawaan lahaa madaxweynaha taas oo ay la kala saari kari waayey ilaaladii madaxweynaha iyo weheliayaasha .
Madaxweynaha oo xadhiga ka jarayey laba goobood ayaa marka uu tii koobaad dhameeyey waxa loo dhaqaaday dhanka ta kale oo aan sidaasi uga fogayn meeshan hore , kooxdii madaxweynaha la socotay waxay u tartamayaan sidii ay meelo wanaagsan uga helilaaayeen meeshan loo socdo .

Markii la istaagay goobtii kale si kastaba ha loogu kala dheereeyee ee uu madaxweynihiina soo istaagay badhtamaha xadhigii markaasi la doonayey in meesha laga jaro waxa isla markiiba loolan kale ka bilaabmay labada daraf ee xadhiga oo ay qolo isku qabsatay sidii ay u kala hayn lahaayeen xadhiga .
geesta kale waxa iyaguna gacmaha isa sii saaray qaar kale oo doonaya in ay wac uun ka siiyaan sacabka , markii lagu heshiiyey haynta xadhiga ee talo ahaan loo soo jeediyey cidda haynaysa . hase ahaatee wali uu tartanku ka ka taagan yahay qayb-ta sacab tumidd ayaa waxa bilaabay sacabkii mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa kaasi oo ay raaciyeen intii kalena balse madaxweynaha iyo dadkii dhinac taagnaa aanay wali wax shaqo ah qabanin ka dib markii maqaskii lagu jari lahaa xadhiga xidhan lagaga yimi goobtii hore taas oo uu ka soo deg-degay qof loo dhiibay oo isaga hore nasiib ugu helay in uu ka mid noqda dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha markii xadhigii hore la jarayey , kaasi oo doonayay in uu kanna kaalin la mid ah tii hore uu ka galo .

Mar qudha ayaa waxay ku noqotay layaab , iyo u qaadan waa markii la maqlay iyada oo la leeyahay “ Oo mee maqaskii “.
Aniga oo goobta taagnaa ayaa idhi wallee tani waa “Sacabkii la tumay iyo maqaskii la tabay “, oo aan uga jeeday in sacabka la tumay iyada oo aan maqaskii loo tumi lahaaba aanu meesha oolin.”

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Omarserbia1@hotmail.com