Sababta ay taariikhda Somaliland muhiim ugu tahay inuu barto oo uu daraaseeyo qof kasta oo Somalilander ah – W/Q:

Waxaan u jeedaa markaan leeyahay sidaan hadii aanad barran isku hawlin inaad wax ka ogaato taariikhdaada soo jirtay intaanad dhallan waxad ahaanaysaa qof intuu dhashay kadib wixii dhacay oo kaliya nolosha kaga kooban.

Maxaa sababaya inaan barano taariikhdeena? Haddii aan barrano waa maxay faa’idoda inooogu jirta? Hadii aynu iskaba dayno oo madaama aan ku noolay waqtiga xaadirka maxaa inaga xumaanaya?. mr martin l. king ayaa yidhi inagu taariikhda maynaan samayn, laakin taariikhda ayaa inaga ina samaysay side ayay inaga taariikhdu inoo samaysay ayaa su’aala?. Waxayn nool nahay casri ayna u eekayn inaad taariikh iyo waxaas barataa shay xiiso leh ama macno leh, taariikhdu waxay inoo samaysay manta hadii aanu awoowgaa dhaqan u lahayn geel iyo adhi iyo lo’o inuu dhaqdo manta Somali may dhaqateen, manta hadaanay dadkeenii hore hido iyo dhaqan soo lahayn totally maynaan lahaanen inaguna, hadii aanu aabahaa ama adeerkaa kusoo jihaatamin si aad aduu ugu noolato nabad iyo nolol fican manta Somaliland kumaad seexateen nabad kumanaad soo toosteen, hadii aanay dad u dhiman si diinta islaamka loo hirgaliyo loona ilaaliyo manta inagu rukunadeeda iyo nimcodeeda kumaynaan raaxaysaneen.

Haddii aan barrano taariikhdeena waxa aynu ka faa’idaynaa faa’idooyin aan la koobi karrin oo ay ka mid tahay inaan nolosha ku waajahno inagoo haysana qalabkii ugu haboonaa ee lagu waajahi lahaa ahna taariikhdeena oo aynu naqaano. Waxaynu ka faa’idaynaa inaan ogaano qiimaha ay leeyihiin waxa aynu haysano ee ay kamid tahay nabada, cadaalada, diinta iyo nolosha mudan tix galinta iyo farxada, kasoo qaad manta hadii aad ku dhalan lahayd wadan kale{ hadii aad Syria ku dhalan lahayd waxad ahaan lahayd nin dagaal aafeeyay, india ilmo yar oo faqri u dhimanaya, ama Iraq nin jabhadahaa islaamiga ah u dagaalama} halkaad ku dhalatay ayaa samaynaysa farqi aad u weyn, waxaa faan ii ah inaan ku dhashay Somaliland aniga. Waxaa waajiba inaan ilaahay ugu mahadnaqno nimcooyinkiisa uu ina siiyay oo dhan.

Haddii aynu barrano taariikhdeena waxaynu ka faa’ideynaa inaynu ogaano wuxuu dhaqankeena soo jireenka ahi yahay. Caalamka ninkastaa wuxuu yaqaanaa dhaqankiisa uuna tix galiya kuna faanaa ma garanayo sababta ay dadkeenu iyagu u samayn la’yiin taase, hadaba waxaa is waydiin leh hadii aynu inagu aamini wayno waxayn dhaqan u leenahay oyn baran wayno ayaa kale ee intuu dibad inooga imad inoo tix galinaya. Inan somaliyed ayaa tidhi “wixii wax laga dhigo ayuunba wax noqda” hadii aynu inagu waynayno ooynu wax ka dhigno dhaqankeena ayunbu waynaanayaa. Taariikhdu waa waxa ku baraya qofka halyayga la idhaa iyo ka nacaska la idhaa oo marka nimcada lagu wada jiro ay adag tahay in lakala saaro, taariikhdu waa shayga kaliya eek u baraya cida ay tahay inaad ixtiraam, sharaf iyo bogaadinba u hayso.

Taariikhda hadaad baran waydo bari ka maalin da’a ayaad noqon xilli uu inankaaga inankuu dhalaa kuu iman doono oo uu ku waydiin doono taariikhda aad ku leedahay aduunka Somali ahaan?, taariikhdee ay Somaliland leedahay?, sidee ayay u samaysantay iyo xillima ayay samaysantay iyo yaa sameeyay halgan intee leeg ayaa loosoo galay lagu waydiiyo?. Waa xilli aad da’a tahay aanad danayn jirin inaad barato taariikhdaada markaad yaraydna, hadaba intaanay malintaasi inagu iman waa waajib inan baranaa dhacdo kasta iyo arrin kasta oo taariikhi ah.

Haddii aanad garanayn halkaad ka timid, xaaladahaad soo martay caqabadihii aad soo dhaaftay meeshaad ku qaldantay iyo noloshaadi hore ma garanaysid imikana meel aad u socoto waayo ninkii taariikhdiisa garanayaa waa nin ay u jihaynayso kuna hagaajinayso hadaf uu leeeyahay.

Maanta waxayn joognaa caalam ka ummad marka la rabbo in Siyaasad ahaan (politically) loo weeraro lasoo ogaado horta taariikhdooda kadib la isku dayo in laga weeraro meelaha ay u liitaan{weaknesses} hadaba hadii aad taariikhda barato waxay ku dhaxal siinaysaa inaad ummad kasta jabin karto oo kaasoo horjeesata., ku darsoo lidka taas oo ah hadii aad taariikhdaada taqaano oo aad garanayso meelahad taariikhiyan u xumayd maantana iska habayso oo aad iska hagaaajiso suurto gal maaha in lagaa badiyo.

“ammaanteena ugu wayni maaha inaynaan waligeen dhicin laakin waxa weeyaan inaynu kacno markasta oo aynu kufno”

Thanks for your time this is worth it, if you are Somalilander.

 

Mohamed Omar {Game Changer}