Sababta Aanay Warbaahintu U Mudnayn Kalsoonida Dadka Ay U Warranto

Inta aan ka ogahay dhibaatooyinkaas aan qormadii hore ku soo xusay waa kuwo Soomaalida ay la wadaagaan in badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee dunidu, laakiin waxaa jira kuwo aanan ogeyn illaa xadka ay dadyowga kale inala wadaagaan, waana ta aan is leeyahay waxa ay u baahan tahay in si dhab loo daraaseeyo loona raadiyo xal cilmiyeysan, waloow aanu maqaalkani isagu kaalintaas qaadanayn imika:

1. Dhaqanka:

Soomaalidu waa bulsho dhaqanka iyo ilaalinta caadooyinka aad ugu adag. Malaha waana sababta ay u gaadhsiiyeen illee heer ay hal-qabsi ka dhigtaan, “Caado la gooyaa cadho Alle ayaa ay leedahay” Arrintan wanaaggeeda in badan ayaa laga hadlaa, mana’ aha ta aynu qalinka u qaadannay, laakiin waxaa jira dhinac kale oo aan aad looga warqabin.

Dhaqanku waxa uu carqalad ku noqdaa waxyaabo badan oo ku lammaan nolosha casriga ah iyo nidaamka hadda dunidu u shaqayso. Tusaale; Dhaqankii waxa uu dhexgalay siyaasaddii, waxa aanu dhib aan la dhayalsan Karin cawaaqibkeeda ku hayaa dowladnimada iyo hab-dhaqanka casriga ah, taas oo keliya ma’aha ee waxa kale oo uu dhaqanku marar badan taako u dhigaa xorriyadda warbaahinta maanta. Maxaa ii caddayn ah?!, Dhaqanka Soomaalidu waxa uu meel adag ka taagan yahay in nin waayeel ah ama reer hal-doorkood iyo qabiil hoggaamiyahood ah wax laga sheego iyo in haweenka sidoodaba sheekada ragga dhex taalla lagu soo daro, waa arrin aad u fiican in badanna lagu soo ammaanayey dhaqankeenna quruxda badan, laakiin maanta labadiiba nolosha casriga ah waxa ay ku yeesheen saamayn togan iyo tabanba; Hal-doorkii beesha iyo hoggaamiye dhaqameedkiiba, dantii jufada iyo qabiilka kuma ay ekaan oo waxa ay si weyn ugu milan yihiin siyaasaddii, mucaarad iyo muxaafad ayaabay la kala safan yihiin, ama siyaasi hawl qaran wada oo la dhaliilayo ayaa ay difaaciisa u darban yihiin, ama iyagii ayaaba xilal ka haya dowladdii oo la dhaliilsan yahay.

Soomaaligii biri-ma’-geydada ka dhigayey dumarkuna, halkii uu ku ogaa ilbaxnimadii ayaa ka soo rartay oo haweenkii siyaasaddii, dhaqaalihii, dantii reerka iyo taladii dowladnimo ayaa ay kaalintooda ka qaataan ama doonayaan in ay ka qaataan; Waxa ay qabteen mansabyo siyaasi ah oo mudan in laga hadlo dhaliishooda iyo ammaantoodaba, waxa aanay soo saaraan warar iyo hadallo ay siyaasad ku difaacayaan ama ku dhaliilayaan.

Arrintani waxa ay qasab ka dhigaysaa in qolyahan iyo cid kasta oo hore carrabka looga dhowri jiray warkooda bannaanka la soo dhigo, musuq-maasuq baa gelaya, ballan qaadyo been ah iyo wacadkii siyaasadda ee aan dhammaan jirin ayaa ka dhacaya ama hawl-qabasho la’aan iyo gaabis ayaa lagu arkayaa, dhaliil iyo ammaan wixii siyaasadda iyo xilka siyaasiga ahi leeahayba waa ay yeelanayaan. Laakiin nasiib darro warbaahintu kuma dhacdo in ay sidii la rabay u durto ama uga hadasho qolyahan, waayo xeerarkii dhaqanka ayaan geeddigan la’ soo guurin oo weli iyagu halkii ayaa ay taagan yihiin, taas oo keenta marar badan in warfidiyeenku ay qariyaan wararka gala labadan qolo iyo kuwa la midka ah ama runtiisa ay ka baydh-baydhayaan.

2. Qabiilka:

Qabiilka oo marka si loo eego dhaqanka ka mid ah ayaa isna Soomaalida ku noqday cudur qabyaalad la yidhaahdo oo qof kastaa xumaantiisa ka hadlo, hase ahaato ee marka aad ficillada u fiirsato aad dareemayso in aanu qofna diyaar u ahayn in uu ka bogsado.

 Waa nidaam isku xidhnaaneed sida uu doono ha ku yimaaddo ee, oo bulshadu waagii noloshu bilowga ahayd aad ugu bad-baadday, col ay iska dhiciyaan iyo kaalo ay isa siiyaanba waa uu u lahaa, laakiin markii qabiilkii uu soo galay siyaasaddii iyo dowladnimadii waxa uu la soo baxay cudurnimadiisii dhabta ahayd oo qabyaaladda ah, waana kaas maanta Soomaali idilkeed dowladnimadii ka curyaamiyey.

Cudurkaasi warbaahintana waa uu galay, oo marka aynaan waxba ku sii tiigaalin waxaa tusaale innaagu filan boqollaalka adeeg wareed ee jilib-jilib iyo juf-jufo loo furtay, ama ciddia leh ujeeddosan ka lahayd balse bulshada bugta ugu suntan qabiil. Sidoo kale qabyaaladdii waxa ay saamayn taban ku yeelatay warfidiyeenka, oo ay marar badan ku kallifto in masuulka qabiilkiisa ah, uu ugu yaraan wararka aad ugu liddiga ah ka gaabsado. Haddiiba ay dhacdo in uu si uun u baahiyana arrintu xorriyad warbaahineed ma noqoto ee waa gar iyo xeer reer in la’ isu jilib dhigo.

Dhinaca kalana waxaa in badan dhacda in war ama warbixin si uun u taabanaysa masuul ama ganacsade iyo cid uun muhiim ah, isla markaba lagu macneeyo, in uu ku dhisan yahay aragtida warfidiyeenkii baahiyey, oo isna metalaya aragtida qabiilkiisa, ama liddi uu ku yahay hebelka warku daaray oo qabiil kale ka dhashay. Waxa aana ka dhasha in qofkii u arkayey in baahintaas lagu weeraray uu warfidiyeenka xidhihiisa uga gudbiyo ashkato, ugu yaraanna ka hortago in war noocaas ahi mar dambe ka yimaaddo. Caaqilkii iyo oday-dhaqameedkii loo cabasho tegeyna xorriyad warbaahineed ma yaqaanno ee waxa uu yaqaannaa in warfidiyeenkani yahay wiil uu isagu xidhe u yahay, amarkiisa ayuun baana jiraya.

Arrintani waxa ay ka mid tahay caqabadaha warbaahinta ka hor istaaga in ay taabtaan qaladaad badan oo ka dhaca siyaasiga, ganacsadaha ama xitaa dadka jooga jagooyinka sare ee rayidka ah. In badan ayaa la arkaa in baahin ka hadlaysa shakhsiyaad ku hawlan arrimo aan bulshada ama dalka dantiisu ku jirin, ay markaba ka soo ergeeyaan dad ay cabasho u timid oo ah haldoor laga yaabo in masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha haayadda warbaahineed ay gacal la’ yihiin ama ehel ab iyo abti mid uun ah yihiin, kadibna culays lagu saaro warbaahinta in ugu yaraan qofkaas ama haayaddaas aan mar dambe wax laga sheegin.

Arrimahani waxa ay ka mid yihiin sababo qof kasta oo si dhugmo leh ugu fiirsadaa uu ku garan karo in xogta iyo wararka warbaahinta dunida guud ahaan iyo kuweenna si gaar ah ka baxayaa ay yihiin kuwo xakamaysan, ama aynu odhan karno waxa ay baahinayaan xog kor-ka-xaadis ah marka loo eego xaqiiqada uu ogaa warfidiyeenka diyaariyey. Waxa aanu maqaalkani ku doodayaa in sababahaasi ay dow ka dhigayaan in bulshada loo warramaa aanay kalsooni buuxda ku qabin warbaahinta maanta.

Kamaal A CAli