“Saaxiibkay Boqor Raabi Waxaan Odhan Lahaa Waar Dadka Aan Ku Garaneyn Anagaa Kuu Gayne Noo Kaaley”Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

Hargeysa(SLPOST) Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo maanta Warbaahinta ugu warmaayey Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu si kulul uga jawaabay hadalo uu warbaahinta uu ka sheegay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi taasi oo uu eedaymo ugu soo jeediyey Dawlada Hoose Ee Magaalada Hargeysa,

Sul

Waxaana uu sheegay in hadalada noocaas oo kale ahi ay keeni karaan isku dhac xaga bulshada ah oo ay haboontahay in laga digtoonaado, sida oo kale waxa uu sheegay in hadii uu cid  cabasho uu qabo boqorku in uu u si toosa uu ugu tago cida uu ka cabanayo,suldaan Maxamed Cabdiqaadir waxaa kale oo uu intaas ku daray in uu ka codsanaayo bulshada in aan hadalada noocaas oo kale ah aan dhag loo dhigin.

“..Hadalkii Xalay Tv-ga Ka baxay Waxaad Moodaa Hadal Rabash Iyo Dhibaato ku keenaya wadanka,Laba iyo Toban Sanadood dee Maayarka Caasimada Jiciirbaa haystay,qofku waxa weeye hadii uu cabasho uu leeyahay oo uu wax ka cabnaayo inuu dee qofka uu ka cabanaayo uu is hortaago laakiin in saxaafada cid laga canbaareeyaa waa shay aad iyo aad u fool xun,hadalkaasi waxaa uu keeni karaa isku dhac waxaa kale oo uu keeni karaa dhibaatooyin waaweyn iyo fool xumo soo korodha anigu isagana caayi mayo laakiin dadka reer hargeysa ee sida qaldan wax u fahmi kara waxaan ku guubaabinayaa inaanay arinkaasi salaamu calaykum aanay odhan oo ay dhaga hooda ka dabooshadaan..Markaa saaxiibkay raabina waxaan odhan lahaa Waar dadka aan ku garaneyn anagaa kuu geyne anaga noo kaaley”Ayuu Yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

 

Somalilandpost-Desk

Hargeysa/Somaliland