Saaxiibbada Facebook Ee Ay Fiican Tahay In Aad Iska Saarto Si Aad U Ilaaliso Caafimaadkaaga Nafsiga Ah (1)

Hargeysa (SLpost)- Weli naftaada ma u malaysay in farxaddaada maalinlaha ahi ay ku xidhan tahay bar-kulannada bulsho ee internet ka, gaar ahaan shabakadda Facebook, mase og tahay in dad aad Facebook saaxiib ku tihiin ay sabab u noqon karaan murugo iyo niyad xumo aad nolosha ku waajahdo? Baadhitaanno cilmiya oo la sameeyey ayaa daahfuraya in saaxiibbada oo aad ku ogeyd in ay qofka farxad iyo raynrayn u horseedaan, ay dhici karto in marka ay saaxiibbada Facebook noqdaan kuwo kuu horseedi kara diiqad, niyad xumo iyo in aad dhinaca madow ka eegto waayaha adduun ee kugu xeeran.

Mar kasta waxaa sii kordhaya liiska saaxiibbadaada Facebook, waxaana la kordhaya in aad si joogto ah u aragto tallooyinka, sawirrada iyo aragtiyaha ay shabakaddan ku baahinayaan, taas oo marar badan keenaysa in ay saamayn ku yeelato aragtidaada ama shucuurtaada arrin ku waajahan, waana sababta ay u fiican tahay in aad marar badan ka taxaddarto dhadhansiga faallooyinka iyo qoraallada kala duwan ee saaxiibbada bar-kulanka bulshadu soo gudbinayaan, looguna talinayo in aad dadka qaarkood liiskaaga saaxiibbada ka saarto si aanay saamayn ugu yeelan niyadwanaaggaaga.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah saaxiibbada ay khubarada cilminafsiga ee kuur-galay saamaynta bar-kulannada bulshada ee internet-ku ku yeelan karto qofka, ku taliyeen in la iska masaxo, si aan loola socon faallooyinkooda raadka taban niyadda kaga tegeya:

1. Siyaasiyiinta af-miishaariinta ah: Dad badan ayaa ay caado u tahay in ay aragtiyahooda siyaasiga ah dadka ugu soo bandhigaan shabakadda Facebook, intaasi ma’ay xumaateen haddii aanay qofka si joogto ah ugu sheegayn dhaliilo la buun-buuniyey, taageero indho la’aan ah iyo in ay mar kasta ka sheekeeyaan mustaqbal soo madow, nolol adag iyo rajo-beel, ama joogtaynayn ka sheekaynta sharciyo iyo xeerar dejin ama dastuur wax ka beddel iwm. Kuwaasi waa bilowga qofka u horseeda in uu niyad xumo ku eego nolosha, waxaana laguugula talinayaa in aad dhaqso u tirtirto saaxiibtinimadooda oo adiga oo madax bannaan aad raadiso samo iyo xumaan waxa jira.