SAAX-DHEER: Hawl-galkii Ciidanka Qaranka, Firdhadkii Wufuudda & Cali Khaliif iyo Wararkii u dambeeyey

Saax-dheer (SLpost)- Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa saaka ku waabariistay magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool oo muddooyinkii u dambeeyay fadhiisin u ahayd Kooxda Cali Khaliif, waxaanay ciidamadu si rasmi ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada, iyada oo halkaas khasaare aan badneyni ka soo gaadhay ciidanka Qaranka.

Markii ay ciidamadu magaalada galeen, waxa goobtaas ka baxsaday Maleeshiyo beeleedyo iyo Dad tiro badan oo magaaladaas ugu sugnaa ka qayb-galka Caleemo-saarka Cali Khaliif oo Saaka loogu balansanaa in lagu qabto magaaladaasi, kuwaas oo gaadiidkii u kala firxaday dhinaca xuduudka Itoobiya oo masaafo aan fogeyn u jira goobta shirku ka socday ee Saax-dheer.

ciidanDhowr diyaaradood oo ay saaran yihiin Wufuud isagu jirta siyaasiyiin, Xildhibaan, madax-dhaqameed ka kala tagay magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa shalay ka degay magaalooyinka Buuhoodle iyo Saax-dheer, kuwaas oo doonayey inay ka qayb-galaan munaasibadda Caleemo-saarka Cali Khaliif Galeydh oo shir-beeleed ku qabsoomay Saax-dheer loogu doortay inuu noqdo hoggaamiyaha Siyaasadeed ee Kooxda la baxday Khaatumo.

Taliyaha oo ay  wehelinayaan abaanduulaha ciidanka qaranka  Sareeye Guuto Axmed Cawaale Libaax iyo taliyaha hogaanka hawl gelinta ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Maxamed Adan Sanqadhi (Dabagale) oo warbaahinta dalka ugu warramay xarunta taliska guud, ayaa ka hadlay hawl-galka Ciidamada Qaranku ku galeen Saax-dheer.

“Waxaad la socoteen in dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh uu sheegtay in uu maamul goboleed layidhaa Khaatumo uu Somaliland dhexdeeda ka samaysanayo bishan oo dhana waxa uu waday wax doorasho layidhaa, wax baarlamaan layidhaa iyo waxbaan dhisayaa kanbaan samaynayaa waxaananu aad uga taxadiraynay in dadka reer Somaliland ee deegaanadaas ku sugan in aanay dhibaato gaadhin, markii uu yidhi 28 ka bishan ayaa la igu caleemo saarayaa Tuulada layidhaa Saaxdheer oo Somaliland ah kuna taal xadka udhexeeya Somaliland iyo Itoobiya kana dhistay halkaa buulal waawayn ergooyina uu yidhi iikaalaya ee ay yimaadeen diyaarada sida qalab ciidan kuwaas oo kayimid Kismaayo iyo Xamar,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanku baacsadeen maleeshiyaadkii halkaas joogay, balse waxa uu sheegay inuu jiro khasaare aan badneyn oo soo gaadhay ciidanka Qaranka, waxaanu yidhi, “Illaahay fadligii saaka 5:30 ayaa cutubyo katirsan ciidanka qaranka Somaliland ay hawlgal ka bilaabeen agagaarka Saaxdheer. Cali iyo wixii uu watayba qof qof daymooday may yeelan waxayna noqdeen wax siigo noqday iyo wax kabihii dirqi ku haleelay, meel ay jaan iyo cidhin dhigeena lama hayo, waxaana noogu dambaysay  markii ay soddon kiiloo mitir  gudaha ugaleen xadka Itooboya tuulo kutaal oo layidhaa Como inuu sii jibaaxayay isagoon dib usoo eegin raggiisii iyo wixii uu meesha ku urursanaayay.”

“Laba askarina way naga geeriyootay laba askarina way naga dhaawacantay anigoon waxbeena ku darayn, ninka maqani gurigiisa ayuu ka maqanyahay ee waa la ogaan,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Ilaa immika laba xaqiijin khasaaraha ciidamadu gaadhsiiyeen maleeshiyaadka, haseyeeshee waxa jira maxaabiis, Tikniko iyo gaadiid kale oo laga qab-qabtay Maleeshiyo-beeleedka Cali Khaliif.

Hawl-galka Ciidamadu saaka fuliyeen ayaa ka dambeeyey ka dib markii duleedka tuulada Saax-dheer dagaal ku dhexmaray ciidanka Qaranka iyo malleeshiyaad maanta laga saaray Saax-dheer.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa u jeedadiisu la xidhiidhaa inuu baajiyo Caleemo saar lagu waday in Cali Khaliif Lagu Caleemo Saaro Saaxdheer ka dib markii dodobaad ka hor loo doortay hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo.

Dhinaca kale, Wararkii u dambeeyey ee aanu ka helayno Saax-dheer, ayaa xaqiijiyey inay ciidamada Qaranku fadhiisin ka samaysteen Gudaha magaalada Saax-dheer, halkaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka socotay qaban-qaabada caleemo-saarka Cali Khaliif. Balse lama xaqiijin karo muddada ay ciidamadu ku sii sugnan doonaan magaaladaas oo xarun u noqotay kooxaha nabad-diidka ee Khaatumo.

Ciidamada Qaranka ayaa sidan kale oo magaalada Taleex ee gobolka Sool oo hore xarun ugu ahayd Cali Khaliif, waxa ay hawl-gal milatari oo ay ku qaadeen bishii May ee sannadkan ka saareen siyaasiyiin Cali Khaliif hoggaaminayo iyo maleeshiyo-beeleed magaaladas isku-urursaday, kuwaas oo xilliyo kala duwan weerarro gaadmo ah ku qaaday ciidanka Qaranka. Balse, hawl-galkooda ka dib, waxa ay ciidamadu magaaladaas ka baxeen maalintii ku xigtay, iyada oo xukuuumadda lagu dhaliilay sababtay ay ciidamada u geliso dagaalka haddii ay markiiba dib uga soo baxayaan goobaha ay ka qabsadaan kooxaha nabad-diidka ah.

Somalilandpost.net