Saan-Caddaalihii Biridaaniyaa Sababteeda Lahaa

Maxamed Cabdi daa'uud14 May 1897kii , Rennel Rodd oo ka shaqayn jiray Qunsuliyadda Biridaaniya ee ku taalay Qaahira, ayaa loo diray magaalada Addiis, si uu heshiiska xadeynta ee u dhaxeyn lahaa Itoobiya iyo Somaliland la soo sameeyo Boqor Minili. Ka dibna heshiiskii uu soo guntay waxa ansixiyay Baarlamankii Biridaaniya. Muddo maanta laga joogo 117 sanadood, oo ku began 28 July 1897kii, ayay Boqoraddii Fiktooria (Queen Victoria) iyana ansixisay heshiiskaas . Waana xadka manta u yaal labada dal ee jaarka ah Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiskaas kala xadeynta labada dal waxaa loo baxshay Rennel Rodd Treaty ama Angelo Ethiopian Treaty. Sida ka muuqata magaciisana Somalidii dhulka lahayd waa la taseeyay, waxna lama weydiin. Waliba waa laga xan qarsaday. In la fuliyo oo heshiiskaas lagu sunto xadka u dhexeeya labada dal waa laga dhawrsaday, ilaa laga soo gaadhayay 28 November 1954kii. Sabata muddada intaas le’eg looga qariyay reer Somaliland, waxa ay ahayd kacdoon laga cabsanayay in uu dadku dhaqaaqo, oo uu ka aamin-baxo Biriidaaniya. Waayo waxaa jiray heshiis kaas ka horeeyay oo Ingiriisku la galay 1885-1988kii dadyawgii ku dhaqnaa Bilaad Al-Soomaal (oo markii dambe Ingiriisku u Baxshay Somaliland). Kuwaas oo kala ahaa beelaha Ciise, Samaroon, Isaaq iyo Harti (Warsangeli iyo Dhulbahante). Waxaa xusid mudan in barigaas horeba Bilaada Al-Somaal uu ka duwanaa Bilaad Al Cajam. Kan dambe oo ahaa dhulkii Talyaanigu gomaystay ee uu u baxshay Somaliya sida Iitaaliya. (Eeg buugga la Yidhaah Handy Reference Atlas of the World oo uu qoray ninka la odhan jiray John Bartholomew sanadkii 1890kii).

Heshiiskaas wacad-furku ku dhacay ee u dhexeeyay Ingiriiska iyo reer Somaliland waxa uu ku biyo shubanayay: In beelahaasi isku dhiibaan maamulka Biridaaniya, iyana ay ka difaacdo boobka lala damacsan yahay dhulka ay degaan. Dhulkaas oo bed ahaan dhannaa 93,000 square miles. Markaas xoogagga reer Somaliland ay ka cabsi-qabee waxay ahaayeen Boqortooyadii Itoobiya iyo Isticmaarkii reer Yurub.

Waxaad is weydiinaysaa maxaa ku killifay Ingiriiska inuu wacadkii furo oo heshiis kale la la galo Itoobiya sanadkii 1897kii? Sannad uun ka hor xilligaas, waana 1896kii, Talyaaniga oo hore u qabsaday Casab/Eratariya ayaa sannadkaas damcay inuu ku darsado Dhulka Tigraay. Boqorkii Minilik ayaa difaac adag ka galay Adwa oo ahayd caasimadda Tigraay. Si aan laga soo waaqsan Karin, oo aduunkii ka yaabisayna u jabiyay xoogaggii Talyaaniga ee baaxadda weynaa. Taasi markii ay dhacday, qasab waxaa ku noqday reer Yurub inay ka garaabaan badheedhihii Minilik iyo wareegtadii uu hore ugu qaybiyay reer Yurub sannadkii1891kii. Minilik maalintaas waxa uu yidhi: “Haddii quwadaha naga fogi ay u yimaadeen in ay Afrika qaybsadaan, anna diyaar uma ahi inaan iska daawado”. Taas oo macnaheedu ahaa anna qaybta wax ha layga siiyo idinkama itaal yari ee. Iskamuu daawan Boqor Minilik bililiqadii Afrika, ee sidaas ayay Biridaaniya ugu habratay oo ay u yeeshay heshiiskii Rennel Rode ee Hawd iyo “Reserve Area” lagu siiyay Itoobiya 28 July 1897. Dhulkaas oo bed ahaan dhammaa 25,000 square miles. Intaas oo ku beegan rubuc ahaan dhulkii ay Beeluhu si wadajir ah ugu aamineen Biridaaniya sanadkii 1887.

Haddaba heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Ingiriisku ee Angelo Ethiopian Treaty waxa uu ka koobnaa qodobadan;

  • In la qeexo xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Maxmiyadda Somaliland ee Biridaaniya.
  • In isku socodka ganacsiga labadaas dhinac uu xor ahaado.
  • In jidka kolanyada ganacsiga ee isku xidha Herar iyo Zaylac uu furnaado
  • In Itoobiya ay la saa’irto Biridaaniya, oo xaq gaar ahna ay siiyo badeecadda ka imanaysa Biriidaaniya, cashuurtana laga khafiifiyo.
  • In Itoobiya loo ogolaado, si xor ah, inay qalabka ciidamada kala soo degi karto xagga Somaliland.
  • In Mahdiga Suudaan meel looga soo wada jeedo.

Markii la fulinayay heshiiskan 1954kii ayaa lagu daray qodob muhiim ah kaas oo odhanaya; Beelaha Somaliland Xaq bay u leeyihiin inay xoolahooda daajiyaan Hawd iyo “Reserve Area”.

Intii ay heshiisyadaas Biridaaniya iyo Itoobiya ka dhex socdeen Beelaha Somaliland waxba kalamay socon. Sidaasi waxay dan u ahayd labada dhinac ee heshiiska wada galay. Waayo haddii aan la qarin heshiiskaas, oo matalamba uu ogaan lahaa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, si fudud ayuu shacabka Somaliland uga wada dhigi lahaa Daraawiish. Sidoo kale Biridaaniya may hesheen kumanaankii askari ee Reer Somaliland ee ka garab dagaalamayay ilaa Barma Dagaaladii Dunida ee kowaad iyo labaad. Hase yeeshee, markii la ogaaday 1954Kii, oo Lixdankii ay Afrika xoroobi lahaydna soo dhawaaday, qarba-qarbo ayay ku noqotay shacabkii dhulka lahaa. Taasi waxay iyagii ku kalliftay tu aan looba fadhiyin, oo ahayd midawgii Somalida. Deedna 1dii July 1960, gobanimadoodii ay mar kale amaano ku siiyaan qolo kale, waa reer Xamarka. Arrinkaas oo ka dhashay gadood iyo cadho xadhkaha goosatay oo xilligaas reer Somaliland u qabeen Itoobiya iyo Ingiriiska.

Afar sano ka dib markii la calaamadiyay xadka, oo ku beegnayd 20 November 1958kii, Somaliland waxaa yimid Prince Henry iyo xaaskiisii oo ka tirsan qoyska Reer Boqor ee Biridaanaya. Labadooda waxaa lagu naanaysi jiray “Duke And Duchess of Gloucester”. Ka hor intii aanay iman Somaliland, waxay lix maalmood ku soo qaateen Itoobiya iyo boqor Xayle Salaase. Markii ay u soo gudbeen Somaliland, Danayste mooyee dadka intiisa kale ma soo dhaweyn Amiirka Biridaaniya. Abwaanada Somalida oo ka tarjuma dareenka shacabka ayaa waxaa maalintaas ma-hadhooyin reebay Maxamed Ismaaciil Baasarce oo lagu naanaysi jiray Balaayo Cas. Barkhad Cas waxaa laga doonay inuu soo diyaariyo gabay soo dhaweyn ah si loo “hanuuniyo” Somaliland. Halkuu taas ka yeeli lahaa waxa uu tiriyay tixdiisii la yaabka lahayd ee la baxday, aan ooyee albaabka ii xidha:

Awowgay ninkii indhaha tiray, Ninkii aabahay addoonsaday. Ninkii anigana i iibsaday, Ninkii ifka igu adoonsaday. Itaal li’i baa ishaa i baddee. Haddaan ogohoonan ka aarsan karayn. Haddaanan, aadanoow, unuunka jarayn, Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee. Aan ooyee albaabka ii xidha.

Isagoo iglan jooga buu i diloo. Ushuu soo fidiyaa i iimaysoo. Wataa aramidu i oofa tirtee. Asaag li’i baa ishaa i baddee. Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee, Aan ooyee albaabka ii xidha.        

Arladii ka samroo aduun ma hayee. Haddii la ilaashay afkaygii. Haddaanan ikhtiyaar aqoontay hadlayn. Haddaanan eray qudha shirkaas odhanayn, Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee, Aan ooyee albaabka ii xidha.

Wixii arineen ilaahay jeclayn. Aayaadka qur’aanka wada aragtoo. Udgoonaa ina yidhi indhaha ka qarshee. Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee, Aan ooyee albaabka ii xidha.

Ugaaso ninkii dhaqaa ururshee. Ruuxii eegayaa adduun ka baxshee. Ragiinii ogaa horuu u arkee. Ninkii ooridiisa u geynaayoow, In keegiyo shaal ayuu ku arkin, Iimawdee axankaaga waynee. … Aan ooyee albaabka ii xidha.

Libaaxa annayiyo abaarso ka ciyey. Abuuriin lo’da joogta baa urisoo. Oodday jabisaa intay ka dhacdoo. Amsaxuu ka guraa idaylkeed. Wakaa ingiriiskii ii’da hayee. Idina u dabaaldegoo adhiyohow. Ordayoo magacana ka iibsada. … Aan ooyee albaabka ii xidha.

Alle ha naxariisttee, Barkhad cas waxa uu ka mid ahaa dadkii ay cadhadu ku kalliftay inay u olaleeyaan “Iska Raacii Reer Xamarka”. Alhuumadii ka dhalatayna waxa ay ahayd af kala qaad. Wixii adduun la dhaqday, oodda ayaa loo rogay 1988kii. 50,000 oo qof baa maalmo gudahood lagu dilay. Malaayiin qof baa guryahoodii ka qaxay. Inta naafada noqotay, Inta dhaawac ku dhimatay iyo inta waalatay, tolaw yaa loo raacaya? Xabaalo wadareedkii Jasiira iyo Malka Durduro tolaw yaa loo raacayaa? Milyan iyo dheeraadka miino ee lagu aasay Somaliland tolaw yaa loo raacayaa?

Ma Saan-cadaalihii Biridaaniya baa sababteeda lahaa? Ma boqorradii Itoobiya ee walaalkoodii jaarka iyo isku-dhiigga ahaayeen boobay baa sababteeda lahaaa? Ma Walla-weyntii abaalka iyo abhinta aan aqoon baa sababteeda lahaaa ? Ma intuba?

Wax tagey tiigsimaad ma lehee, tolaw manta uun ma ka garbaxayaan? Biridaaniyada ceebta ku suntani ma ka ciwad celinaysaa, oo aqoonsi ma keenaysaa? Itoobiya waxba kuma haysano manta, ee heshiiskii ay la gashay Faranjiga laftiisii ma inala galaysaa inaga, oo sidaas ma isku aqoonsanaa? Reer “Aadan Yabaal” iyaga kala tagnee aan kala qoomamo la’aano. Laakiin tartanku waxa uu ka dhexeeyaa iyaga iyo Itoobiya. Kolba koodii aqoonsiga ku horeeya ayaa nasteex ah, koodii ku dambeeyaana waa nacab.

Wa Billaahi Al-Tawfiiq.

 

Maxamed Cabdi Daauud

madaud@gmail.com