Saamaynta Soo-galeetigu (Ajaanibku) ay ku hayaan Somaliland – W/Q: Cabdiraxmaan Cismaan

Sida laga dareemaayo suuqyada kala duwan ee dalka  waxa maalinba maalinta ka dabaysa isa soo taraaya kurna u kacaaya tirada dadka iyagu sharci darada ku so galaaya dalka  tusaale ahaan caasimada dalka aya muwaadiniinta ku nooli ay haatan khaati ka taaganyihiin dadyawgaasi soo galeetiga ah oo u badan qoomiyada oromada oo iyagu ka fa,iidaysanaaya xuduudaha dalka ee ka furan xaga dhullka oo ay uga sura gashay inay si fudud oo hawl yar uso maraan isla markaana ay uso dhaafan waxanay dadkani marka ay so gaadhan caasimada ay ku kala fidaan magaalada  oo qaarba ay meel ka dagaan waxan hadaba dhawan la kulmay mid ka mid so,galeetiga dalka sharci darada ku jooga waxanu waxanan waydiiya su.aalo fara badan ku saabsan xaaladaaha soo-galeetiga isa so taraaya.

Intaasi ka dib waxaan u fiirsaday dadyawga so galeetiga ah ee jooga dalka intii aanan ka bixin suuqa ayaan isku dayay in aan tiriyo hase yeeshe markii tiradii ay iga khaldantahay farabadnidooda awgeed ayaan is waydiiyay su’aashan: Waa maxay saamaynta soogaleetigu ay ku hayaan Soomaliland?

Dabadeetana waxaan ogaaday inay dhibaatooyin badan ku hayaan dalka, Dhibaatoyinkaasi oo ay ka mid yihiin: Diinta, dhaqanka, caafimaadka, nabad galyada, shaqada iyo bilicda.

1.  Saamaynta soo galeetigu ay ku hayaan diinta

Haddi aynu ka wax ka taabano dhibaatoyinka diinta ay ku hayaan soo galeetigu waxaynu so qaadan karnaa sida ay u mashquuliyeen masaajidada oo ah goob cibaado inta aan la galin salaada iyo marka laga baxaba waxa ay so galeetiga dawarsanayaa  ku beerlaxawsadaan dadka so cibaado tagay erayo diimeed oo ay  ku dhawaaqayaan iyaga oo aan saladana la tukanahayn waa layaab arintaasina waxa ay u eegtahay sidi munaafiqiintii nabiga rumaynaayay marka ay la joogaan marka ay ka tagaana ehelkooda ku odhanaayay waanu iska ciyaaraynay ee maanan rumayn sidaasi daraadeed waxa waajiba qofku marka uu

Sheeganayo islaam inuu la yimaado cibaadadii iyo ficiladii islaamka hadaba iyagu waa so.galeetige marka ay masaajida yimaadan uma yimaadan cibaado diimeed ee waxay u yimaadan ujeedo kale oo ah dawaro marka saw ma muuqato saamaynta ay ku hayaan dinta?

2.   Saamaynta soo galeetigu ay ku hayaan  dhaqanka

Murti soomaliyaad aya waxay tahay  waxaad ceebta u taqaan dadbay caadadiisa tahay waxan uga socdaa so,galeetigu waxay caado u leeyihiin dawarsiga yar iyo waynba waxad arkaysa ilmo yar oo 5 jir ah oo lagu tababaray nolosha dawarsiga waxad arkaysa rag iyaguna xoog ah oo dawarsanaaya dumar la mid ah  iyo waliba waayeel kasii darean waa wax lala yaabo halka inaga dadkeena dan yartii baahi kasta oo jirtaba ay ka xishoodaan inay dawarsadaan in kasto ay fiicantahay in sadaqada lala baxa hadana hadi uu qofku shaqo ka dhigto maha wax diintu ay ogoshahay

Iyado ay sidaasi tahay aya hadana so galeetigu waxay fidinayaan dhaqamo uu ka mid yahay dawarsigu.

3. Saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka

Haddi aynu isku dayno in aynu wax yar k aiftiimino sida soogaleetigu ay u waxyeelayn karaan caafimaadka aynu so qaadano qodobo dhawra:

Qodobka koobaad: Soo galeetigu waa dad aan laga warqabin xaaladooda caafimaad sababta oo ah qofku marka uu safraayo intaan lo ogolaan inuu dalka galo waxa la baadha xaaladiisa caafimaad hasayeeshe nidaamkaasi waa mid guud ahaanba ka maqan  in la mariyo dadyawgaasi ee dadlka so galaaya.

Qodobka labaad: Sida caadiga ah waxa sanadkiiba laga fuliya gobolada kala duwan ee dalka.

Olole lagu dabar jaraayo xanuunada faafa sida dabaysha qaaxada jadeecada iyo wixi la mid ah dhamaanba xanuunadaasi waa xanuuno la rabo in laga dabar jaro dalka hase ahaate waxa markastaba so gala dalka soogaleeti iyagu qaba xanuunada oo dib u faafin kara.

4.  Saamaynta so galeetigu ay ku leeyihiin amniga

Madaama oo aan la garanahayn ujeedada dhabta ah ee ay u socdaan so galetiga dalka kuso qulqulaaya.

Madaama oo aan laga haynin wax tix raac ah ama aan lagu samaynin wax tiro koob ah oo ay yihiin dad iskood u dhaq dhaqaaqaya waxay u dhaw yihiin in la adeegsado waxanay khatar galin karaan nabad galyada dalka. Madaamo oo aan la baadhin waxay dalka soo galin karaan kontarabaanka

5. Saamaynta so galeetigu ay ku leeyihiin shaqada

Muwaadiniinta jamhuriyada soomlailad waxay cabashadooda ugu badan ka muujiyaan shaqo la,aanta ku baahday dalka hase yeeshe waxa iyagu dhadhan ku haya so galeetiga oo shaqooyinka dadlka aad uga fa,iidaysta hadaba waa maxay sababtu?

Soo-galeetigu waxay ku dhaqmaan amuuro ka dhan ah xeerarka shaqada, waxana ka mid:

Waxay ku shaqeyaan soo galeetigu lacag ka jaban intii ay shaqadu ku waajibtay, Tusaale ahaan lacagta shaqadaasi lagu qaban jiray badhkeed iyago  hawshii qabanaaya waana sababta ay u door bidaan shirkadaha dhiska iyo dadka iyagu shaqada rabaaba waxanay arintaasi dhibaato iyo camal la,aanba ku hasaa muwaadinkii dalkiisa joogay waxana qurux badan inhawlaha  shaqada haatan Dib lo eego.

6. Saamaynta so galeetigu ay ku hayaa bilicda

Soo-galeetigu waxay si nidaam daro ah u dagaan wadooyinka caasimada oo ah muraayadii dalka iyagu wata agab iyo waxyaabo nadaafadoodu hoosayso

Waxay sido kale so faqaan xashiishka  kudaafadda lagu so qubo iyo ka lagu ururiyo meelaha laga qaadaayo ee ay baabuurta xashiihsku ay so maraan waxanay xashiishkii gaadhsiiyaan meelo aan logu talo galin oo caasimada badhtankeediya arintaasina waxay hoos u dhigaysaa bilicda caasimada iyo guud ahaanba dalka.

Ugu dabayntii, waxan talo ku bixinayaa  in hoos loo eego god-daloolooyinka dalka u leeyahay.

Qalinkii: Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Xaaji)

Agaasimaha Somaliland Space Channel

cadbiraxmaanxc@hotmal.com

Tel; 002522  4447680