Saamayn Intee le’eg Ayey Joojinta Qaadka ee Somaliland ku yeelatay Deegaamada Oromada ee Dalka Ethiopia?

 

Hargeysa (SLpost)- Ganacsatada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa si weyn u dareemay hoos u dhac ku yimi dhaqaalihii ka soo geli jiray jaadka loo iib keeni jiray Somaliland oo ay dawladda Somaliland u joojisay ka hortagga faafitaanka xanuunka Covid-19.

Ganacsiga qaadka oo ay ganacsatada Oromada uga xaroon jirtay lacag adag, waxa xilligan ku yimi hoos u dhac dhinaca dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ee guud ahaan deegaanka Oromada, waxaana sida ay sheegayaan dadka Soomaalida ah ee degen magaalada Jigjiga suuqyada magaalooyinka Oromada laga dareemayaa hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn, iyadoo uu hore dhaqaalaha Itoobiya u saameeyay xanuunka Covid-19.

Ganacsato Soomaalida Itoobiya ah oo jooga magaalada Jigjiga oo Geeska Afrika la soo xidhiidhay ayaa sheegay inay jiraan shir doceedyo kala duwan oo ay wadaan ganacsatada oromada iyo madaxda dhaqanka ee loo yaqaano ‘Abagaadhaha’, kuwaas oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa jaadka ay Somaliland joojisay mudada bisha ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay kulamo arrintan ku saabsan la yeesheen madaxda dawladda deegaanka Oromada. Waxa suurtogal ah in ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ee Oromadu ay dawladda federaalka Itoobiya ka codsadaan inay dawladda Somaliland kala hadasho joojinta jaadka oo haddii uu sii socdo ay aaminsanyihiin inuu dhaawacmayo dhaqaalihii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Waxa iyaguna soo baxaya in dawladda Itoobiya ee federaalka lafteedu dareentay dhaqaalaha uga soo xaroon jiray jaadka, waxaana la sheegayaa in baadhis lagu samaynayo ganacsatada qaadka gaysa Somaliland oo la sheegay inay kooto ku haystaan iib gaynta qaadka.

Geesta kale waxa isna hoos u dhacay oo joojinta qaadka laga dareemayaa ganacsatada Oromada ee safarrada ku iman jirtay magaalada Wajaale oo uu dhaq-dhaqaaqoodii ganacsi yaraaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net