Saadaasha garsoorka Somaliland

Dhawaan ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilkii qaranka uu u hayay ka qaaday gudoomiyihii maxakamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo mudo dheer lasoo shaqeeyay qaranka.

Garsoor ayaa inta badan caado iyo dhaqan u leh in uu umada dhex u ahaado dhankaste oo qaranku leeyahayn uu la yeesho wada shaqayn iyo isla jaanqaad suuban taasoo keeni karta inuu ahaado saaxiib dhow oo ka war hayaa dareenka iyo xaaladaha kala duwan ee ay ku suganyihiin bulsho weynta Somaliland shacab iyo dawladba, dhanka kale waxa uu yahay garsoorku goob kalliya ee qof dulman garab bido mid dacwoonayaa uu u cawdo mid qalad iyo gaf lagu sameeyay oo xaqiisi lagu xad gudbaynay waa goob xaqiisa usoo dhicisa, isla jeerkaasna waa goob sheegta ciqaabta qof xad gudba iyo waajibaadka laga jaraayo ee u dhigma danbiga uu gaystay.

Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali oo runa ahaantii soo qaatay wakhtigii allah qadaray inuu ahaado gudoomiyaha maxkamada sare ee qaranka ayaa ahaa mid ay kasoo baxday cabashooyin badan oo dhinacyo kala duwan kasoo yeedhay haday noqoto dhanka bulshada rayidka ah iyo dhanka waaxaha dawlada eek ala duwan sidii uu madaxweynuhu sheegay isagoo la shaqayn kari waayay gudidii cadaalada ee ka koobnayd xubnaha kala duwan.

Waaxda garsoorka oo in badanba laga filaayay in is bedel uu ku sameeyo madaxweynuhu ayaa kusoo beegmatay wakhti ay sii siyaaday cabashooyinka kasoo yeedhaya waaxdaas taaso kaliftay in si degdeg ah wax looga qabto loogana fal celiyo baahida weyn ee loo qabo darted.

Hadii garabka uu qaranku ku tiirsanyahay liico ayaa waxay horseedi kartaa in dhamaan shacabku meel kasta oo uu ku noolyahay in uu madaxa isla galo wax kala saara oo u garnaqana la waayo hadii aan laga war hayn caafimaad qabta iyo gudashada shaqooyinka ay xaqa u leeyihiin gudashadooda .

Gudoomiyaha cusub ee dhawaan la filaayo in uu madaxweynuhu soo xuli doona ayaa ah mid ay hawlo badani u yaalaa taasoo u baahan in garab iyo dhiiri galin iyo wada shaqayba laga siiyo dhinac kaste oo ay wada shaqayn yeelandoonaan waaxda garsoorka, waxaan sidoo kale rajaynayaa inuu noqon doono mid ka shaqayn doona toosinta qaladaadkii hore iyo taakulaynta dadka taagta daran.

Waxaan allah ka rajaynayaa garsoor fiican garnayaay waajibaadkiisa shaqo kuna kalsoon awoodiisa uu qaranku siiyay iyo in madaxweynuhu insha allah heli doono cid ku haboon booska oo gudan doonta xilkeeda sida loogu talo galay.

Bulshadana waxaan leeyahay qofka cusub ee la magacaabo hadaydaan duco iyo taloba la garab galin ruuxna kaligii waxba ma qaban karo ee dedaalku dhankeenana waa looga baahanyahay ee taa ogsoonaada hana is dhiganina.

 

Qalinkii hoodo ayaan

hoodo.ayaan@gmail.com