Saacadda Qishka Imtixaannada Oo Dhibaato Ku Haysa Dugsiyda Dalka Ingiriiska Iyo Cabashada Macallimiinta

2London (Geeska)- Barayaal Ingiriis ah ayaa cabasho weyn ka muujiyey saacado si fudud looga iibsan karo suuqa Internet ka oo ardaydu ay u isticmaali karaan qishka Imtixaannada.

Saacaddani waxa ay awood u leedahay in lagu kaydiyo macluumaad aad u tiro badan iyo qoraallo dhaadheer, taas oo ardayga u fududaynaysa in uu si sahal ah ugu kaydiyo qoraallo iyo duruus aad u badan, si sahal ahna shaashadda saacadda uga akhrisan karo marka uu u baahdo. Dhibaatada ah in saacaddan uu ardayga doonaa si sahal ah internet ka uga iibsan karo isaga oo aan suuq ka raadin, tusaale ahaan suuqa internet ka Amazon oo ah kuwa ugu waaweyn dunida, waxaa ka sii daran saacaddan oo leh batam yar oo qofku marka uu taabto dhaqso u qarinaya dhammaan qoraalkii marka hore shaashadda yaallay ee uu akhrisanayey, waxa aanay taasi fududaynaysaa in ardayga xidhani uu imtixaanka ka qiso, marka uu dareemo in kormeer ama macallin ku soo dhowyahayna batamkaas uun taabto si ay u noqoto saacad caadiya oo waqtiga iyo taariikhda uun shaashaddeeda laga arki karo.

Maamuleyaal dugsi oo arrintan ka hadlay ayaa si aad ah uga cawday saacadahan oo aad ugu soo badanaya suuqyada iyaga oo qiimahooduna aanu qaali ahayn, iyada oo qaarkood awood u leeyihiin in ay kaydiyaan qoraallo, sawirro iyo filimo mararka qaarkood culayskoodu gaadhayo illaa 8 GB.

Sharciga imtixaanaadka ee dalka Ingiriisku waxa uu hore u mamnuucay in goobaha imtixaanku ka socdo ardaydu la soo galaan, talefannada iyo saacadaha casriga ah. Laakiin Joe Seidres oo maamule ku xigeen dugsi ah ayaa mar uu dhowaan u warramay idaacadda BBC qaybteeda Ingiriisiga oo Geeska Afrika uu warkan ka soo xigtay, waxa uu sheegay in sharcigan oo jira haddana ardayda sidata aaladahan iyo noocyada aaladahan casriga ah oo sii kordhaya awgeed ay mar kasta maamulka dugsiga ku sii adkaanayso in uu arrintan wax ka qabto.

Seidres waxa uu ku dooday in saacado noocan ah oo ardayda laga iibiyaa ay tahay arrin aan anshax ahaan wanaagsanayn, waayo ardayga oo xilliga imtixaanka sakati iyo didmo badan qaba, ayaa marka uu arko dhaqso u iibsanaya isaga oo xal moodaya. Saacadahan waxaa lagu sameeyaa dalka Maraykanka oo lagu iibiyo, laakiin haddana ardayga ka iibsada internet ka waxaa si fudud loogu soo dirayaa boosta oo maalmo yar gudahood uu ku helayaa isaga oo dalkiisa Ingiriiska iska jooga.