R/wasaarihii hore ee Kenya oo si adag u dhaliilay hawlgalada sida gaarka ah loola beegsanayo dadka Somalida ah

KENYA: (Slpost);-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya, Rail Odinga ayaa dhaliilay qaabkii ay dowladda Kenya ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, kadib howlgallo lagu qabqabtay kumannaan Soomaali ah oo ay ciidamada ammaanka Kenya ka sameeyeen magaalada Nairobi.

Raila-Odinga

Odinga oo wareysi gaar ah bixiyay isagoo jooga dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu aad ula yaabay inay bartilmaameed ka dhigtaan ciidamadu dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii, intii ay socdeen howlgalada lagu raadinayay kuwa lagu tuhusan yahay falalka argagaxisonimada siada uu yiri.

“Qaladku ma ahan oo kaliya qaabka ay xukuumaddu u raadinayso kooxaha looga shakisan yahay inay argagaxiso yihiin, balse waxaa ka daran waxa ka dhalan kara mustaqabalka, ma haboona in ciidamada loo fasaxo inay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya u nisbeeyaan inay falalka argagaxisda ku lug leeyihiin” ayuu yiri Odinga.

Sidoo kale, Odinga wuxuu sheegay inay iska caddahay in Soomaalida keliya aysan sameeyn falal aragagaxiso ah, balse ay iyaguna saameeyeen dhammaan qowmiyadaha u dhashay dalka Kenya.,isagoo xusay in horey loo arkay dad aan  soomaali aheyn oo falal argagixiso ka sameeyey gudaha Kenya sidaa owgeed ay layaab tahay in hal qowmiyad loo saaro wixii ka dhaca gudaha dalka Kenya

“Waxaan aragnay dhallinyaro kasoo jeeda beelaha Luo, Luhya, Kikuyu iyo kuwo kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso oo ay Kenya ka geysteen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Raila Odinga, ugu dambeyn, Odinga wuxuu ugu baaqay dowladda Kenya inaysan dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyadda Soomaalida oo kaliya bartilmaameedka looga dhigay, loona geystay xasuuq aad u fool xun.

Booliiska Kenya ayaa howlgallo uu tan iyo toddobaadkii hore ka waday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa ay ku qabqabteen in ka badan 4,000 oo Soomaali ah, kuwaasoo laga soo qabqabtay guryahooda, goobahooda ganacsiga iyo jidadka magaalada Nairobi,islamarkaasna waxaa loola dhaqmay si aan habooneyn iyadoo aan lakala saarin caruur haween iyo dhalinyaro.