Ruushka Oo Lagu Eedeeyay Inuu Duqeeyay Suuqyo,Misaajid iyo Xaafado Dalka Suuriya

Hargeysa(SLpost)-Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay hayso cadaymo muujinaya in duqaymihii xagga cirka ahaa ee ay Ruushku ku qaadeen dalka Suuriya bishii September in ay ku geeriyoodeen boqolaal shacab ah, isla markaasna ay sababeen burbur baaxad wayn.

Warbixintan ayaa ku salaysan waraysiyo lala yeeshay dad goob joogeyaal ah, dhakhaatiir iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Amnesty waxay diiradda saartay lix weerar, midkasta oo ka mid ahna waxay ku shegtay in dad shacab ah ay dhibaato ka soo gaartay isla markaasna aysan jirin saldhigyo millitari oo la yaqaanay oo ka ag dhawaa goobahaasi.

Warbixinta waxaa lagu sheegay la duqeeyay guryo, isbitaalo, suuq iyo masaajid.

Xukuumadda Mosko waxay ku adkaysatay in ay bartilmaameedsanaysay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo malayshiyaad kale.