Ruushka oo laga saaray Xubnaha G8

Holand(SLPOST)Waxaa habeenimadii xalay kulan magaalada The Hague ku yeeshay Hogaamiyayaasha dalalka adduunka ugu qanisan dhanka warshadaha ee G7 kuwaasi oo sheegay in ay dalka Ruushka ka saareen kooxdii la isku oron jiray G8.

Nuclear Security Summit (NSS)

Hogaamiyayaasha G7 ayaa ka qeyb galaya shirka ka socda magaalada The Hague ee looga hadlayo amaanka hubka Nukliyeerka.

Shirkan G7 oo feer socday shirweynaha Nukliyeerka ayaa waxaa si gaar ah u guddoominayey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo isugu yeeray madaxda dalalka G7.

Go’aanka kasoo baxay G7 ayaa lagu sheegay in looga jawaabayo tilaabadii Ruushka kula wareegay jasiirada Crimea oo kamid ahaan jirtay Ukraine, waxayna dalalka G7 sheegeen inay cunaqabateyn kale kusoo rogi doonaan dalka Ruushka.

Dalalka Midowga Yurub ee xubnaha ka ah G7 sida Jarmalka ayaa si weyn uga caga-jiidaya in cunaqabateyn dhameystiran la saaro dalka Ruushka oo uu ka dhaxeeyo ganacsi weyn.

Dalalka Midowga Yurub ayaa la sheegay in tamatooda ay isticmaalaan 13% uga yimaado dalkaasi Ruushka. Waxaana jira shirkado badan oo reer Yurub ah oo ku xiran Ruushka oo kasoo horjeeda cunaqabateyn dhameystiran oo dhaawici karta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalalka horumaray iyo caalamka guud ahaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Segie Lavrov oo isaguna ku sugan shirweynaha Amaanka Nukliyeerka ee ka socda The Hague ayaa saxaafada u sheegay in Ruushka uusan wax weyn u arag in laga saaro G8 oo uu ku tilmaamay koox ama madal aan rasmi aheyn oo ay kuwada sheekaysan jireen Reer Galbeedka iyo Ruushka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland