Ruushka Oo Ka Warwarsan In Daacish Suuriya Kala Wareegto Haddii aannu Xoojin Taageerida Bashaar Al Asad

 

 

Moscow(SLpost) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si adag u difaacay howlgalka militariga dalkiisa ay ka wadaan dalka Suuriya. Waxa faro galintiisa ku sheegay dedaal lagu rabo deganaansho siyaasadeed oo Suuriya laga hirgaliyo.

 

Waxa uu sheegay in ujeedada ay tahay xasillinta waxa uu ku tilmaamay maamulka sharciga ah ee dalkaasi iyo hagaajinta xaalad siyaasadeed oo tanaasul ku dhisan “Marka argagixisada caalamiga ah oo kala qaybo ahi taagan tahay meel in yar u jirta caasimada Suuriya, in dawladda Suuriya la hadasho xiiso yar ayay u hayaan, waayo waxay dareemaysaa in iyada lafteeda caasimadeeda la qabsaday,” ayuu yidhi Mr Putin.

 

Wareysi uu siiyay TV-ga dowladda Ruushka, waxa uu ku sheegay in Ruushka haddaanu tageerin madaxweyne Bishar Al-Asad inay xaalad khatar ah jirto, taas oo ah in wax uu ku tilmaamay argagixiso ay qabsadaan Suuriya oo dhan kaddibna u dhaqaaqaan dhulka Ruushka.

 

Mr Putin waxa uu beeniyay eedaha sheegaya in Ruushka uu duqeeyay saldhigyada mucaaradka qunyar socodka ah ee Suuriya, halkii uu Khilaafada Islaamka ka duqeyn lahaa. Waxa uu dowladaha reer galbeedka ku baraarujiyay in ciidamadooda ka howlgala Suuriya ay Ruushka siiyaan wararka la xidhiidha meesha ay Daacish isku qarinayaan iyo meelaha ay hubka ku keydsadaan.