Ruushka oo Iran u diraya gantaalaha difaaca

Wararka ka imaanaya Ruushka ayaa sheegay in gantaalaha difaaca hawada loo dhoofin doono Iran waqti dhow kadib markii ay daahday sanado.

gantaal1

Wakaalada wararka ee Ruushka ee Interfax, ayaa soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda oo sheegaya in difaaca gantaalaha ee S-300 oo soo ridi kara gantaalaha billistic-ga, in la soo diri doono maalmaha soo socda.

Heshiiska qiimahiisu dhan yahay sagaal boqol oo milyan oo dollar ayaa la saxiixay 2007-dii, laakiin waxaa la hakiyay saddex sano ka dib markii Qaramada Midoobay ay cuno qabatayn ku soo rogtay Iran.

Ruushka ayaa dib u soo noolaysay heshiiska sanadkii hore ka dib markii heshiis ay ka gaareen reer galbeedka iyo Iran barnaamijka nukliyeerka ee Iran.