Ruushka oo Hakiyey Dhammaan Duulimaadyada Diyaaradihiisa ee Dalka Masar

Moscow(SLpost) – Ruushka ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyada diyaaradihiisa ee dalka Masar, Mareykankuna waxa uu adkeeyay ammaanka garoomadiisa diyaaradaha kaga imanaya gobolka bariga dhexe, xilli uu sii xoogeysanayo tuhunka ah in bam uu burburiyay diyaaradii Ruushka ee todobaadkii hore ku dhacday gobolka Siinay ee Masar.

 

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in mukhaadaraadka dalkaasi ay dhexda ugu dheceen macluumaad ay isweydaarsanayeen hogaamiyayaasha ururka Khilaafada Islaamiga iyo dagaalyahannada xidhiidhka la leh ee Siinaay ka dagaallama, ka hor iyo kaddib markii ay diyaaradda dhacday.

Telefishinka NBC News ayaa soo xigtay saraakiil sheegay in dagaalyahannada ay ku faanayeen qaabka diyaaradda loo soo riday.

 

Telefishin laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay in qarax xooggan laga dhex maqlay gudaha diyaaradda ka hor inta aanay burburin, codka qaraxaasina laga maqlay sanduuqa madow ee diyaaradda. Baadhayaasha Faransiiska ayaan xaqiijin warkaasi.