Ruushka Oo Duqayn Ku Dilay Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Jabhada Mucaaradka Suuriya

Suuriya(SLpost)-Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareeya jabhadaha mucaaradka ah ee ka dagaallamaya Suuriya ayaa lagu dilay duleedka magaalada Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in Zahran Alloush iyo dhowr sarkaal oo kale ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha Ruushka ka fuliyeen degmo ku taalla duleedka caasimadda.

Jabhadda uu hogaaminayay Zahran ee Jaysh al-Islam ayaa waxaa si weyn u taageerta dowladda Sacuudi Carabiya.

Alloush ayaa noqday sarkaalkii ugu sareeyay ee ku dhinta duqeymaha Ruushka tan iyo markii uu howgalka ka bilaabay Suuriya.

Xukuumadda Moscow ayaa ku tilmaamtay jabhadda Jaysh al-Islam mid argagixisa ah.